Puntland Abaal Ayay Gashay, Waa In loo Gudo

Madaxweynayaashii Puntland — Cabdullaahi Yuusuf, Maxamed Cabdi Xaashi, Cadde Muuse (seddexduba mootan), Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas, iyo Madaxweynaha xilka haya markii labaad Siciid Cabdullaahi Deni.

Muqdisho (Faallo PP) — Dadka Puntland waxay madaxdooda ku eedeeyaan inay xoogga saaraan dhowrista midnimada iyo xuquuqda dadka Soomaaliyeed gobol kasta. Sanadkii 2021 markii muddo xileedkii maamulkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa muddo kordhin aan sharci ahay oo markii dambe uu baarlamaanka federaalku ansixiyay laakiin abuurtay halis in dalka dagaal dib ugu noqdo. Markaas Madaxweyne Xasan wuxuu ku doodayay in maamulkii Farmaajo uu ku xadgubayay talo Soomaalida u dhexeysa. Shir wadatashi oo ay Puntland abaabushay oo 2021 ka dhacay Garoowe ayaa sababay isbahaysi isbeddel-doon ahaa. Waa fursadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu guuleystay doorashadii 2022.

Puntland waxay dhinac istaagtay maamulka Jubbalad oo dowladda federaalku cunaqabatayn hawada ku soo rogtay 2019 markii Axmed Madoobe mar kale loo doortay xilka. Madaxweyne Sicii Deni oo ka hadlayay dhibaatada ku dhacday dadka Jubbaland markii la go’doomiyay maamul ahaan wuxuu yiri: “Waa in laga fekero habka loo maamulayo hawada Soomaaliya haddii dowladda federaalku siyaasad awgeed hawada uga xirayso maamulkii ay isqabtaan.”

Maanta dastuurka uu Madaxweyne Xasan Sheekh doonayo inuu wax ka beddelo waa mid  odayaal beesha Mudulood oo Xalay ku shiray goob uu joogay Yuusuf Madaale, Duqa Magaalada Muqdisho, sidan u tilmaameen: “Madaxweyne Xasan Sheekh oo ah xubinta taranka ragga. Waa inaannu noqonno xiniinyahiisa. Xubinta taranka raggu ma shaqayso keligeed.”

Muuqaal ku saabsan taageere ku tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu yahay “xubinta taranka ee ragga”.

Puntland tanaasulaadka ay samaysay waxaa ka mid ah in ku meelgaarkii laga baxay iyaga oo aan sida Somaliland weydiisanin hab gaar ah oo deeqda loo siiyo (Special Arrangement), habkaas oo aan saamaynin deeqaha maamulka Somaliland xitaa markii ay dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland ismaandhaafaan.  Dadka Muqdisho waxaa ku jira dad garanaya muhiimadda dhowrista midnimada. Waxaa ka mid ah Ra’iisal Wasaarihii Hore Xasan Cali Khyte iyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Sheekh Shariif oo leh dad-isku-wadis iyo fiiro dheeri siyaasadeed marka la eego sida uu u xusuusiyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu iska dhowro tallaabooyinkii maamulkii ka horreeyay lagaga horyimid oo sababi gaaray in dowlad dhisiddu dib u dhacdo colaado aloosmi karay awgood markii baarlamaanku sameeyey muddo kordhin aan sharci ahayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kuma qasbi karo Soomaaliya dastuur ay ansixiyeen xildhibaanno aysan la xisaabtami karin dadkii soo xulay.

Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u baahan yahay dad qaban kara. Muqdisho goof ma aha, sida uu sheegtay Madaxweyne xasan Sheekh 2021 mar uu ku yiri Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo gurigiisa ku booqday una sheegay in loo baahan yahay in waddooyinka la dayactiro: “Ha iga caayin beledka.” Soomaaliya waxay u nugushahay in midnimadeedu burburto. 1991 Professor Maxamuud Tuuryare oo la talinayay Madaxdii USC ayaa yiri; ”Xaggee dowlad USC ka talinaysaa haddii dalka oo dhan aysan ka talinin?” Dastuur wax laga beddelay dalka oo qeyb ka mid ay diiddan tahay qarannimada Soomaaliya, kireysayna bad Soomaaliyeed oo dowladda federaalku dhowristeeda mas’uul ka tahay, waa dastuur qeyb ka mid ah Muqdisho ka shaqayn doona oo keliya. Puntland ma taageerayso dastuur ay wax ka beddeleen xildhiaanno la soo xulay oo meelaha ay ka yimaadaan inay wadatashi u tagaan loo diiday. Way habboon tahay in la gudo abaalka Puntland u gashay dadka Soomaaliyeed inta ay socotay dowlad dhisidda.

© Puntland Post, 2024