Abiy Axmed Colaad buu ku baaqay, Soomaaliduna Nabad baryi meyso!

W.Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Somaaliya Mar Kale DHiig waa Loogu Wan-Qali!

Abiy, Seylac ma meel laga dhintay baa markaad qabsanayso?! Waa badannahay Soomaali laguma xuuxiyo! dalkana dadkii Lahaa waa joogaan, dadka Soomaaliyeedna nabad baryi maayaan!

Abiy Axmed ama dowladda Itoobiya damaceeda foosha xun ma aha mid iyada ka yimid, Soomaaliduna ma ha dad ay Itoobiya u gooddiso ama u caga jugleyso, dadkuna waxba kuma kala dhex qarsoona, Abiy Axmed oo qalbi caruurnimmadiisu ay tahay mid dibad yaal ah wuxuu u sheekeeyaa baarlamaan iyo gole wasiiro oo uu ku heysto awood iyo ciidan, waxaan dhaqan ka ah dalka Itoobiya kolba qofka madaxda ka noqda in waxa isagu uu sameeyo ay wadanka sharci ka yihiin, maxaa yeelay Itoobiya waxaa ka jiray   Imbardooriyad (Empire) ay ku hoos dulmanyihiin qoomiyado kala duwan oo aysan jirin wax ay wadaagaan haddii ay tahay; isir, diin, dhaqan, iyo afba, kuwaasoo ay si xoog ah ku qabsatay, iyadoo gacan ka heleysa guumeystihii ku soo duulay qaaradda Afrika oo ay xiriir la lahaayeen isla markaasna ay isku xireysay diinta masiixiga, iyo guumeystayaasha oo fahamkoodu ahaa inay u adeegsadeen siyaasadooda ku aaddan qaaradda Afrika siiba gobolka Bariga Afrika. Siyaasadda noocaas ah oo si weyn u dhaqan gashay waxay dabeecad ahaan Itoobiya gaarsiisay horumar xagga xiriirka caalamiga ah, iyo inay saaxiibo badan ku yeelato caalamaka, hasa yeeshee taasi kuma macneysneyn in Itoobiya dhaqan ahaan ay ka guuri kareyso liidnimmada ay mujtamac ahaan dareemeysay ee ah inaysan ka maarmi kareyn gacanta dalalka shisheeyaha ah, waana halkaas meesha ay ka bilaabaneyso colaadda aan dhammaadka lahayn ee Itoobiya iyo dhexeeya Soomaaliya.

Abiy Axmed, oo aan ahayn shakhsi buuxa ama mararka qaarkood laga shakin karo caqligiisa iyo hankiisa qofnimo, ayna ka muuqato inuu dareemayo in wax la dheeryahay wuxuu ku maanshoodaa inuu isagu been isu sheego, inuu is ammaano, iskuna qanciyo wax uu ogyahay inaysan waxba ka jirin. Wuxuu dalkiisa u dumiyay oo dagaalo ku galay ilaa haddana u wadaa dagaalladaas in Ayeeydii ay ugu riyootay isaga oo boqor ka noqday Itoobiya!…Wuxuu maalin maqlay islaanta asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadaha Koonfurta Itoobiya ee Jendayi Frazer oo leh “wax dhici kara ma aha in boqol iyo toban million inay bad la’aan ahaadaan,10 million ay heystaan badda ugu dheer qaaradda Afrika” hadalkaasoo run ahaantii markii ay dheheysay la oran karo wuxuu salka ku hayay nacayb ay qarsan weyday oo ay u heysay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo dhambaal ay u direysay cadowga Soomaaliyeed ee soo jireenka ah dhinaca kalana ahaa dhiiri gelin iyo inay arrintaas ku garab taagantahay Itoobiya!…DHaqanka Jendayi  Frazer oo ahaa mid ka arradan guud ahaan xeerarka diplomat-siyadda ayaa u muuqday mid ay dowladda Mareykanka ugu soo bareertay qarannimmada Soomaaliya!! Waxaana xusid mudan in maanka lagu hayo arrintu inaysan ahayn Seylac iyo waxa ay dadka ka hadlayaan, hasa yeeshee hadalka uu Abiy Axmed ku celcelinayo ka turjumaya khariidaddii 2019kii la soo dhigay bogga wasaarradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, ee dalkii Soomaaliyeed oo dhan uu ku daray Itoobiya.

Hadal heynta Badda-Cas ee Abiy Axmed, iyo in mar kasta uu golaha shacabka ee dalkiisa maalin kasta ugu khudbeeyo “Xoog baan ku qabsanayaa  Badda-Cas” ma aha caqli cusub iyo fikrad maanta ku dhalatay Abiy ee waa fikrad qeyb ka ahayd damacii guumeystihii kala qeybiyay Soomaaliya, oo iyagu rumeysnaa in Soomaaliya ay ka mid noqoto meel ay u maamusho gacanta Itoobiya, waxaana la wada ogyahay in guud ahaan Reer Bariga iyo Reer Galbeedkaba ay ka dhaadhacsaneyd wax badanna dhegaha Itoobiya ugu shubeen inay mas’uul ka yihiin Bariga Afrika, haddii ay tahay xagga sir-doonka, amniga iyo guud ahaan danaha reer galbeedka, waana hadalkaas oraahda uu Abiyi Axmed ku soo celceliyo sidii shimbirtii Bag-Bagaa’a (Parrots) marka uu leeyahay “Waxaan sugeynaa ammaanka Badda-Cas!” waxaana xusid mudan in waxa loogu yeero Qarammada Midoobay iyada oo gacanta ku haysa dalka Soomaaliyeed aysan marna waxba ka oran warkaas meel ka dhaca ku ah qaranimmada Soomaaliyeed, waxayna taas ku tusaysaa inay qeyb ka tahay oo ay fududeynayso shirqool weyn oo cadowga soo jireenka ah ee Itoobiya uu la damacsanyahay Soomaaliya, isla markaasna cuno qabtaynta hubka ee dadka Soomaaliyeed saaran ay qeyb ka ahayd istaraatiijiyadda barnaamijka uu hadda ku shaqeynayo Abiy Axmed.

Ma aha in dadka Soomaaliyeed aysan fahamsaneyn ama aysan dareensaneyn ujeeddada laga lahaa cunaqabteynta hubka ee la saaray dadka Soomaaliyeed muddada dheer, hasa yeeshee shacabka  Soomaaliyeed wuxuu ku kalsoonyahay inaan lagu maquunin karin xoog iyo hub, sida taariikhda ina bareysana shacabka Soomaaliyeed geesinimmada dhaqanka u ah waxaa u dheer oo Alle ku maneystay dhallin-yaro ku dhalatay dagaalyahanimo dabeecad ahaana u taba baran colaadaha iyo dagaalka, weligoodna uusan cadow ka guuleysan. Sida muuqata dagaalka uu naadiyay Abiy Axmed, ee waliba isaga iyo xulufadiis ay muddo ka soo shaqeynayeen ma noqon doono mid ku ekaada sida isaga ay la tahay gudaha Soomaaliya wuxuuse noqonayaa mid laysku wareysto gudaha dalka Itoobiya.

Abiy Axmed, oo tallada Itoobiya qabtay bishii April 2018, isagoo oo sanad dhameysan buu wuxuu bilaabay ololaha colaadda ah iyo hadal hayntiisa ah inuu qabsanayo dekadaha Soomaaliya!…Waxaa isagana arrintaan dhiiri geliyay oo khayaannay ammaannadii ay umadda u dhiibatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga markaas aha madaxweynihii xilligaas kaasoo si cad oo aan kala har lahayn isugu dhiibay Abiy Axmed, iyadoo sida dad badan ay rumeysanyihiin ama ay tilaamayaan ujeeddadiisu ahayd in ciidamo kursiga ku ilaaliyo ka helo, wuxuuna la galay heshiisyo qarsoodi ah oo ilaa iyo maanta aysan jirin mas’uul la ogaa ama talo ahaan waxa ay heshiisyadaas ahaayeen, waxaa xusid mudan in dhagarta intaas la eg aysan xildhibaannadii golaha shacabka ee Baarlamaankii 10aad iyo guddoomiyahoodii Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo ninkii Ra’iisal wasaaraha dalka ahaa ee Xasan Cali Kheyre dhammaantood la oran karo aamusnaan bay ku taageereen iyadoo uu Abiy ku celcelinayo shir kastana uu ka sheegayo in Farmaajo uu 4 dekedood Soomaaliya ka siiyay!…waxaana hubaal ah in mar un khaa’inul wadhanka maxkamad la hor keeni doono.  

DHallin-Yarradu dagaal ha ogaadaan! saraakiishii hore ee ciidammada colaaddu waa kow! Maamulladan Itoobiyaanka ku soo yaacay Ha Saaraan!

Abiy Axmed, wuu ogyahay xaqiiqada Itoobiya iyo Soomaaliya ka dhexeysa inaysan ahayn midda uu kula sheekeystay ama uu u sheegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuuna ogayahay inaysan Itoobiya qaadan kareyn dal iyo deked iyo dadka Soomaaliyeed, waxaase meesha ku jira fikrad been ah oo uu iska dhaadhiciyay oo ku salaysan inay Soomaaliya tahay dad iyo dal burburay oo shacab ahaan ay is khilaafsanyihiin! Waa qarnigii 21aad, wali taliska maan gaabka waa ka waantoobi la’yahay caqligii uu waligiis ku jabi jiray, wuxuuna si bareer ah isaga indho tirayaa xaqiiqda colaadihii labada dal dhex maray, oo uu ogyahay wixii ku dhacay dagaalkii ugu dambeeyay 1977kii, iyadoo ay waliba u soo hiiliyeen illaa 7dal oo uu hoggaaminayay midowgii Soviet. Si kastaba ha ahaatee dhallin-yarrada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba waa inay heegaan galaan waliba sida ugu dhaqsaha badan oo ay u dhaqaaqaan xudduudaha iyo goobaha la qiyaasayo inay furimo colaadeed noqonayaan, waa in la aadaa oo lagu biiro abaabulka ka socda gobolka Awdal. Waxaa sidoo kale saraakiishii iyo ciidammadii hore iyo kuwa cusub iyo dhammaan inay kaalintoodii difaaca dalka ay hoggaamiyaan oo ay hor kacaan. Waxaa iyadana ceeb ku ah dowladda Soomaaliyeed inay wali aamusantahay iyadoo si bareer uu cadow u soo haliilayo qeybo ka mid ah dalka… waxaana soo jeedin wanaagsan in si dhaqso ah dalka looga saaro saraakiisha safaaradda Itoobiya iyo xafiisyada uga furan maamul-goboleeddada dalka iyo guud ahaan ciidammada dalka ka jooga. Odayaasha Dhaqanka iyo guud ahaan shacab weynaha waa inay isu taagaan difaaca dalka, gacan ka geystaan diyaar garaynta tabaabushaha colaadaha muuqda, iyo inay dalka ka saaraan Itoobiyaanka askarta aha ee muddada lagu soo guraayay.

Eritrea iyo Soomaaliya dantaa Waajibkooda mid ka dhigeysa!

Waxaa arrin wanaagsan ah in ciidamo Soomaaliyeed oo badankood taba-baran ay maanta ku suganyihiin dalka Eritrea, sida muuqatana damac Abiy Axmed wuxuu ku soo dhammaanayaa colaad aan maalmo iyo bilo ku dhamaaneyn, inkastoo shaki la’aan ay noqoneyso meeshii ugu dambeysay ee uu ku soo dhammaan lahaa magaca Itoobiya iyo boqornimmada uu ku calwasaadayo. Dadka Soomaaliyeed waxaa hor yaala inay si dhaqso ah oo aan dib u dhigasho lahayn ugu diyaar garoobaan cadowga dalka gudihiisa fadhiya xudduuddiina kaga soo duulaya, cadowga ay waligood yaqaaneen tabar darridiisa si kasta oo loo caawiyo oo guumeystuhu u soo taakuleeyo Itooobiya la bari maayo Soomaaliya! Waxaana arrin lagu qosla ah qaynuunka cusub ee Jendayi Frazer ay bartay Itoobiya ee uu maalin kasta ku celcelinayo Abiy Axmed, Waa badannahay! 150,000,000, million baan nahay marka waa qasab inaan bad xoog ku helno!…Soomaaliya jiritaankeedu baryo kuma dhisneyn, dunida balaayiinta ay ku nooshahayna baryo kuma joogin, marka Abiy iyo ayeeyadiisa u riyootay inay intaas ogaadaan baa loo baahanyahay!

Waxaa iyadan talo wanaagsan ah in dalalka Badda-Cas leh; Soomaaliya, Eritrea, Masar, Djibouti, Sacuudiga, Yemen, ay ogaadaan oo ka wada hadlaan go’aan wada jir ahna ka qaataan xaaladaha iyo xasilooni darrada ka dhalan karta damaca waallan ee Itoobiya isugu sacabbo tumeyso, wada hadalka noocaan ah ayaa waxaa loo baahnyahay inay dowladda Soomaaliyeeda iyada marti geliso. Waxaa si gaar ah dowladda Soomaaliyeed ay ugu baahantahay inay heshiis iskaashi xagga ammaanka badaha ay la gasho dalalka Masar iyo Eritrea, waliba si dhaqso ah, waxaana suuro gal ah in ciidammada Soomaaliyeed ee taba barka ciidanka badda ku dhameystay dalka Eritrea iyo kuwa Eritrea inay si wada jir ah ugu hawl galaan sugidda ammaanka Badda-Cas laga soo bilaabo Eritrea ilaa biyaha Soomaaliya. Waxaa shaki la’aan ah Itoobiya inay wali rumeysantahay sidii dagaalkii 1977kii waxaa kuu soo hiilinaya 7dii dal midowgii Soviet, iyadoo aan waliba ognahay in Abiy Axmed meel kasta uu tago uu tuugsanayo hub iyo qalab ciidan iyo waliba haddii uu helayo ciidan u dagaalama, balse way adkaan doontaa hiilkii iyo gurmmadkii uu helay 1977dii inuu helo, iyo inay dalalkaas ciidamo ugu deeqaan, waxaana aad u yar inta laysku haleyn karo heshiisyada lala galo Abiy Amed, middaas lafteeda oo aan iyadan dhiiri gelineyn in la aamino.

W.Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan