Wareysi: Haweenka Puntland oo ka cabanaya dhaqaale la’aan

Muuqaal: Wareysiga Luul

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Luul Jaamac Aw Nuur oo wareysi gaar ah siisay Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegtay in sanadkan ay xooga saari doonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha soo wajaha haweenka ee dhanka dhaqaalaha.

Luul ayaa sidoo kale xustay in haweenka Puntland ay la kulmeen sannadka dhibaatooyin waaweyn oo isugu jira dil, kufsi iyo dhaqaale la’aan. Wasaaradda Haweenka ayaa ka dhigtay hal-ku-dhegga sannadka caqabadaha haweenka ka haysta xagga dhaqaalaha iyo sidii loo maalgelin lahaa.

Kiisaskii ugu dambeeyay ee ka dhacay Puntland toddobaadyadii ugu dambeeyay ayay sheegtay in aysan jirin qaarkood cid ilaa hadda ay ku cadahay iyadoo intaas raacisay in gabadhii dhawaan lagu kufsaday Garoowe ay qoyskeedu la kulmeen faquuq xili ay dhibane u yihiin dhacdadii gabadhooda loogu gaystay kaam barakacayaal.

PUNTLAND POST