Gabar ardayad ah oo lagu dilay Garowe

Allaha u naxariistee Ubax Yaasiin Cali Aar oo dhigan jirtay mid ka mid ah jaamacadaha Garowe ayaa galinkii dambe ee maanta lagu dilay xaafadda Hodan ee magaalada Garowe.

Ubax ayaa la sheegay in uu dilay mid ka mid ah saddex nin oo ku labisnaa tuutaha ciidamada Puntland, kuwaas oo goobta dilku ka dhcay ka baxsaday, waxaana xabbada ay u geeriyootay kaga dhacday madaxa.

Booliska Puntland ayaa weli ka hadlin dhacdadan dilka ah, xiriir aan iskudaynay inaan la sameyno laamaha amnigana nooma suuragelin.

Shacabka magaalada Garowe ayaa marar badan cabasho ka muujiyay falal ammi darro oo inta badan ay gaystaan askar ka tirsan ciidamada dowladda.

PUNTLAND POST