Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaaraysay dowladda Itoobiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya carqaladeysay wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaaraynaysaa ficilka ay dowladda Itoobiya ku dooonaysay in ay ku carqaladeyso wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadka 2024 kaas oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa”.

“Tallaabadani waxa ay jabineysaa dhammaan hab-maamuuska dublamaasiyadeed iyo kan caalamiga ah iyo sharuucda loo aas-aasay Midowga Afrika” ayaa la raaciyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay xarunta Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay saaka hor-istaag ku sameeyeen una diideen in uu aado shirka, balse markii dambe uu shirka ku yimid gaadiidka Madaxweynaha Jabuuti. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in mar kale isaga iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ciidamo qoryo wata ka hor-istaageen in ay gudaha u galaan xarunta shirka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigii uu hogaaminayay oo ka soo tagay shirkii Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST