Heshiisyada Difaaca ay Soomaaliya La Gashay Itoobiya Waa Halis

Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare way ka aamuseen heshiiska difaac Soomaaliya ay la gashay Itoobiya si ciidammadeeddu kaalin uga qaataan  dhowrista amniga badda.

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh, Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi si hoose isula shaqeeyaan waxaa dhacaysa in dowladda federaalku saxiixdo heshiisyo difaac oo halis ku ah danta qaranka Soomaaliyeed.

Muqdisho (Faallo PP) —Itoobiya ma soo hawaysan jirin badda Soomaaliya markii ciidammaddeedu ay faragalinta ku joogeen Soomaaliya (2006-2009). Itoobiya waxay ka faa’iidaysanaysaa heshiisyada difaac ay dowladda federaalka la saxiixatay sanadkii 2014 iyo sanadkii 2023. Heshiiska ugu dambeeyay uu Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur saxiixay 7 Diseembar 2023 waxaa ka mid ah qodob sheegaya in “Soomaaliya iyo Itoobiya iska kaashan doonaan amniga badda (maritime security). Miyay dowladda federaalku aamminsan tahay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay wadaagaan soohdin badeed?

Labada heshiis difaac Itoobiya lala galay oo ay hadda cuskanayso waxaa oggolaatay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sidoo kale oggolaatay in ciidanka Itoobiya sanadkii 2014 ku soo noqdaan Soomaaliya iyaga oo aan ka mid ahayn ATMIS (oo 2014kii loo yaqaannay AMISOM).

Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Nuur ayaa heshiis difaac la saxiixday dhiggiisa Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hadda wuu dareensan yahay dhibaatada soo gaari karta danta qaranka Soomaaliyeeed marka madaxtooyadu gacanta ku dhigto Aqalka Hoose iyo Aqalka sare si ay Xildhibaannadu iyo Senetarradu u noqdaan aalado u meelmariya dowladda federaalka ajandayaal gaar ah sida wax ka beddelka dastuurka federaalka, go’doominta maamullo gaar ah iyo in Soomaaliya ay yeelato laba xisbi oo keliya.

Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare way ka aamuseen heshiiska difaac Soomaaliya la gashay Itoobiya si ciidammadeedu kaalin uga qaataan dhowrista amniga badda. Heshsiika Difaac ay Soomaaliya la gashay Itoobiya Diseembar 2023 wuu ka halis badan yahay Heshiiskii Is afgarad oo ay Soomaaliya sanadkii 2009kii ku raacday Kenya in badda Soomaaliya hadda ay leedahay tahay mid  “la isku haysto”. Sanadkii 2023 gef weyn oo sidaas oo kale ayaa dhacay oo loo baahnaa inay Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare diidaan sidii uu baarlamaankii 2009 u diiday Heshiiskii Is Afgarad dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya.

Awoodda badan ku jirta gacanta dowladda federaalka waa mid halis ku ah danaha qaranka Soomaaliyeed. Haddii Xildhibaannadu iyo Senatarradu ka cabsanayaan tallaabada dowladda federaalku qaadi karto iyadoo adeegsanaysa sharciyada amniga waxaa dhacaysa in dowladdu saxiixdo heshiisyo halis galin kara midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waa in Aqalka Hoose uu laalo heshiiska difaac ay Soomaaliya 7dii Diseembar 2023 la saxiixatay  Wasiirka Gaashaandhiga ee Itoobiya una yeero Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaraha si loo su’aalo sababta ay u oggolaadeen in Itoobya ay naga caawiso dhowrista amniga badda.

© Puntland Post, 2024