Musharax Madaxweyne ku-xigeenkii u horeeyay oo ka soo jeeda SSC oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa

Xaflad si wayn loo soo agaasimay kana soo qaybgaleen siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland iyo federaalka, dhaqan, waxgarad, aqoonyahano, haween iyo dhalinyaro ayaa maanta ka qabsoontay caasimada Puntland ee Garoowe, taas oo loogu talagalay shaacinta Musharax Madaxwayne ku-xigeenka dawladda Puntland Faarax Cawad Jaamac.

Mas’uuliyiin badan oo goobta ka hadashay ayaa Musharaxa ku ammaanay inuu yahay mas’uul ku gabboon xilka Madaxwayne ku-xigeenka, uuna leeyahayna khibrad shaqo oo dheer iyo waaya-aragnimo siyaasadeed, iyagoo xusay inuu wax wayn ka badali doono xaaladaha dalka, aadna u soo dhaweenayay musharaxnimadiisa.

Musharax Faarax Cawad Jaamac oo khudbad kooban ka soo jeediyay madasha ayaa sheegay in uu la imaan doono barnaamij siyaasadeed oo wax wayn ka badali doona dhaqaalaha, amniga iyo horumarka arrimaha bulshada, uuna isagoo faah-faahsan ka soo horjeedin doono Baarlamaanka, waxuuna ka codsaday ka qaygalayaasha inay kula shaqeeyaan sidii uu ugu guulaysaan xilka Madaxwayne ku-xigeenka Puntland ee u tartamayo.

Faarax Cawad Jaamac waa siyaasi xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, wuxuuna soo noqday xildhibaan Golasha Shacabka Dawlada Federalka Soomaaliya, gudooomiyaha degmooyinka Hargaysa, Badhan, Baydhabo, Jowhar, guddoomiyaha gobolka Bakool iyo maareeyihii Madbacadii Qaranka xiligii dawladii dhexe. Sidoo kale waxuu ka qayb wayn ka qaatay dib dhiskii dawlada Soomaaliya isagoo ka qayb galay inta badan shirarkii dalka dibadiisa iyo gudihiisa ka qabsoomay.