Musharax Cawad oo ka hadlay khilaafyada yar yar ee weli ka jira doorashada

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soomaaliya hadana ah musharax madaxweyne Puntland Ambassador Axmed Ciise Cawad ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Musharax Cawad oo hadal ka jeediyay goob fagaare ah ayaa sheegay inuu rajaynayo in ay dhakhso u dhamaadaan Khilaafyada yar yar ee weli ka jira doorashada Puntland, wuxuuna wax aan haboonayn ku tilmaamay ciidamada la wareegay xarunta baarlamaanka, isagoo soo jeediyay in la ixtiraamo kala madax bannaanida hay’adaha dowladda.

Dhanka kale musharax Cawad oo ka hadlay muhiimada magaalada Gaalkacyo leedahay ayaa ballanqaaday haddii la doortao inuu garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf noqon doono kuwa ugu waaweyn Puntland iyo Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad doorashada madaxtinimada Puntland ee la rajaynayo in ay dhacdo 8-da Jannaayo 2024.

PUNTLAND POST