Soomaaliya oo laga cafiyey deyn gaaraysa $4.5 bilyan

Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa si wada jir ah maanta ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey deyn gaaraysa $4.5 bilyan, kaddib 11 sano oo ay ku soo jirtay geedi socodka deyn cafinta.

Victoria Kwakwa Madaxweyne ku xigeenka koofurta iyo bariga Afrika ee Bankiga adduunka ayaa dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ugu hambalyeysay guusha taariikhiga ah ee ay gaartay, taas oo loo soo maray shaqo adag oo sanado badan qaadatay.

Jihad Azuur madaxa qaybta bariga dhexe iyo bartamaha Aasiya ee hay’adda IMF ayaa sheegay in Soomaaliya ay horyaalaan fursado badan ka dib guushan, kuwaas oo ay wax uga qaban karto horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo xirfadaha dadka, inkasta oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saamaynta xasilooni darrida Soomaaliya iyo isbadalka cimilada.

Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo ka qaybgalay madasha go’aan qaadasha ee Soomaaliya looga cafiyey deynta ayaa uga mahadceliyey Bangiga adduunka iyo hay’adda IMF taageerada ay Soomaaliya ku siiyeen inay soo gaarto heerkan.

PUNTLAND POST