Xal waa loo heli karaa ismaandhaafka siyaasadeed ee Puntland

Ismaandhaaf siyaasadeed ayaa Puntland ka jira ku saabsan nooca doorashada ku habboon in Madaxweyne lagu soo doorto sanadka soo socda. Dadka u dhuundaloola siyaasadda Puntland way ka warhayaan waxyaabaha sababay ismaandhaafka. Maadaama siyaasiyiinta Puntland ay si cad u taageereen in dooraashooyin degmooyin si nabad ah u dhacaan ka sokow dhowr degmo oo doorasho ka qabsoomi weysay, waxaa xusid mudan in aysan jirin koox si cad uga ololaysay in dadka Puntland golayaal degmo soo doortaan kaddibna naatijada doorashooyinku noqoto waddada loo marayo sharciyeynta xisbiyada Puntland ay yeelatay. Si labada dhinac isku haya siyaasadda Puntland ay uga heshiiyaan nooca doorashada, mabaadii’dan soo socota, oo ay labada dhinacba aamminsan yihiin, in si rasmi ah la iskugu raaco si caqabadda doorashada madaxtooyada looga gudbo ayaa loo baahan yahay. Puntland waxay soo bandhigtay habka federaalka hase ahaatee kuma aysan dhaqmin tan iyo 2004 markii dowladdii federaalka ku meelgaarka ahayd la dhisay. Ku dhaqmi-waaga federaalka wuxuu Puntland dadkeeda seejiyay fursado dhaqaale iyo kaalin siyaasadeed oo waxay dadka qaar isa su’aalaan in Puntland ka sugayso dowladda federaalka inay noqoto tusaalaha ku dhaqanka habka federaalka. Haddii ay sidaasi tahay, Puntland dooddeedii awood aan caasimad qaran ku urursanayn in loo baahan yahay waxay noqnonaysaa mid dadka federaalka u qareema ee Puntland aysan difaaci karin. Mabaadii’dan soo socda oo ay garwadeenka siyaasadda ee Puntland isku raacsan yihiin ayaa asaas u noqon kara heshiis laga gaaro nooca doorashada la aadayo sanadka soo socda:

1- In dadka Puntland yeeshaan fulin, sharcidejin, garsoor iyo hantidhowr madaxbannaan (dowladda isbeddelka soo badhigtay ku salaysan doorashooyinkii dhacay ayuu saaran yahay xilka soo bandhigista abuurista hay’adaha dhowraya xuquuqda siyaasadeed ee dadka Puntland sida ka dhowrista kheyraadka wadareed lunsasho, ka dhowrista ku adeegashada awoodda siyaasadeed, iskugu geynta ciidammada Puntland hal meel oo laga xukumo oo siyaasiga xilka haya dano gaar ah u adeegsan karin).
2- In habka awood-daadejintu noqdo mid si cad u muujinaya waxa awood-daadejintu noqonayso, sida ay uga duwanaanayso habkii hore oo ahaaa mid awooddu ku urursan tahay xafiiska fulinta (madaxtooyada).
3- In labada dhinac isku raacaaan inay wada leeyihiin (wadaagaan) hannaanka uu isbeddel siyaasadeed ugu dhacayo habka Puntland lagu maamulayay 18kii sanad ugu dambeeyay — taas macnaheedu waa in mucaaradka Puntland ay kaalin dhismo-kalkaalid (constructive) ku leeyihiin isbeddelka socda maadaama ay si cad u taageereen doorashooyiinkii degmooyinka laakiin ay ka biyo-diideen wax-ka-beddelkii dastuurka Puntland uu baarlamaanka Puntland sameeyay.
4- In Puntland yeelato xisbiyo aysan koox ku adeeganin, xisbiyo aan hubaysnayn.
5- In uu diyaarsan yahay ama la diyaariyo sharciga dowlad lagu soo dhisayo haddii doorasho Madaxtooyo ay dhacdo oo dadku soo doortaan Madaxweyne, Madaxweyne ku xigeen, iyo xildhibaanno: tirada xisbiyada badan waxay muujinaysaa inay aad u suurtowdo in xisbi uusan aqlabiyad helin. Waa inay caddahay boqolley % ahaan tirada codadka xisbi uu dowlad aqlabiyad leh ku soo soo dhisayo marka xisbiyadu tartamaan.
6- Waa in labada dhinac ku heshiiyaan in doodaha siyaasaddu noqdaan kuwo hufan, run ku salaysan, wixii ra’yi la sii suntado.

Si qodobbadan isku raacsanaantoodu u noqoto mid rasmi ah waxaa lagama-maarmaan ah in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni la hadlo dadka Puntland isaga oo sheegaya in mabda’a in Isbeddel kasta oo siyaasadeed ku dhaca habka Puntland isku maamusho uu noqon doono mid dowladda xilka haysa aysan siyaasad ahaan ku ololayn karin, inuu qiro in dadka isbeddelka dhaliilaha inuu leeyahay qaba ay Puntland la jecel yihiin horumar. Ismaandhaafku waa calaamad muujinaysa in Puntland aysan koox gaar ah gacanta ugu jirin, keliya tahay maamul federaal u qareema laakiin awooddu ay Madaxtooyada ku ururusan tahay, ma aha tusaale maamul wanaag.

Xaajo rogrogis kama maaranto. Sidaas darteed Mucaaradka Puntland waxaa la gudboon inay sharxaan sida habkii hore ee 66 u dhowrayo xuquuqda siyaasadeed ay xisbiyada soo baxay summadda u yihiin si awood daadejin loo helo inkastoo dowladda muddo xileedkeedu dhammaanayo looga fadhiyo faahfaahinta ka mirodhalinta mabda’a kowaad (kor ku xusan). Mucaaradku kaalin weyn oo kaliya kama qaadan karaan toosinta dhabbaha uu isbeddelku ku socdo, waxay wax badan ku biirin karaan dadaalka Puntland ugu gudbi karto hab isla xisaabtan iyo awood-daadejin ku salaysan.

Fiiro gaar ah: Xogta qormadani ay ku salaysan tahay waxaa diyaariyay dad doonaya in xal laga gaaro ismaandhaafka siyaasadeed ka jira Puntland. Ma jiro qof si gaar ah u sheegan kara. Wax waa lagu biirin karaa, wax waa laga saari karaa.