Buug ku doodaya in Kismaayo ka mid ahayd Kenya

Kismaayo (Faallo) — Inkastoo cahdiga Midowga Afrika ku salaysan yahay dhowrista xuduudaha jiray marka dal uu madaxbannaani qaatay, waxaa jirta halis ah in Soomaaliya u nugushagay in la kala qeybsado iyada oo aan lagu soo duulin. Waxa loo cuskanayo waa sida siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu guuldarraysteen inay dalkooda maamulaan. Madaxweyne Xasan Shekh Maxamud wuxuu dhowaan sheegay in Soomaaliya lagu xukumo Chapter 7 (qodob ku jira Cahdiga Qaramada Midoobay lana cuskado marka dal uu halis ku noqodo nabadda adduunka ama dal kale gardarro ku weeraro). Muu sheegin sabata Soomaaliya halis ugu tahay dunida.

Parker wuxuu ku doodayaa in Kismaayo ka mid ahayd Kenya

Buug dhowaan soo baxay ( One Fine Day: Britain’s Empire on the Brink) oo uu qoray taariikhyahan Biritish ah, Matthew Parker, ayaa ku doodaya in qeyb ka mid ah Kenya uu Birtishku siiyay Talyaaniga. Waa Jubbada Hoose, gaar ahaan Kismaayo. Xiriirka Biritishka iyo Soomaalida dhexmarary, ha ahaado mid heshiis beelo lala galay ku salaysan ama mid Biritihsku abuuray markuu dhul Soomaali deggan tahay qabsaday, wuxuu abuuray dhibaatooyin siyaasadeed oo ay Soomaalidu ilaa hadda la kufaakacayso, tusaale in dad Soomaaaliyeed (Somaliland) ay maanta ku doodayaan in heshiis Soomaali lagu gumeysanayo la saxiixdeen Biritishka sidaas darteedna ay xudduudo Talyaani iyo Biritayn Soomaali mar ka dhex samaysteen ay u dagaallamayaan.

Biritishku wuxuu dhul Soomaali ku nooshahay siiyay Xabashida isaga oo jabiyay Heshiiskii Ilaalinta Beelaha (Protectorate Agreements); wuxuu kale oo dhul Soomaali ku nooshahay siiyay Talyaaaniga, dhulkaas oo ay hadda siyaasiyiin Kenyan ah u arkaan dhul ka tirsanaaa Maxmiyaddii Biritishka ee Kenya, inkastoo Matthew Parker isticmaalay magaca Kenya oo uu u ekeysiinayo dal madaxbannaanaa markaas

Kismaayo marnaba kama tirsanayn Maxmiyaddii Biritishka ee Kenya

Dalalka deriska waxay burburka dowladdii dhexe iyo dagaalka dabadheeraaday ee Soomaaliya u arkaan wax ka badbaadinaya dareenkii Soomaali weyn oo ku salaysnaa doonista Soomaali dalal kala duwan lagu kala daray iyaga oo aan lala tashanin. Waxay aamminsan yihiin in tusaale, himiladii Xayle Salaase inuu Berbera la wareego soo noqon doonto maadaama Itoobiya tahay dal weyn oo dad tiro badan ay ku nool yihiin; in Soomaaalidu ku qanci doonaan inay hab maxmiyado ah kaga mid noqdaan dalalka deriska maadaama aysan nabad ku wada noolaan karin oo hadda ku hoos nool yihiin ciidammo nabad ilaalin ah ka socda dalal Afrikaan ah. Mabda’a dal la wada leeyahay oo qofku meeshuu doono kaga noolaan karo waxaa beddelay goofkan anigaa leh.

Isku af iyo isku diin waxay ahayd tilmaan Soomaali Eebbe ugu deeqay oo ay Soomaalidu ugu faani jirtay dalalka qowmiyadaha kala duduwan ay ku nool yihiin. Qowmiyadaha kala duduwan oo kala diinta ah ayaaba maanta nabad ku wada nool marka la barbardhigo Soomaalida. Ummada dadnimadeeda ilaashaan waysa waxaaa ku dhaca dadnimo-tiran (dehumanisation).

© Puntland Post, 2023