Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 8aad

(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!)

Dad iyo dal la sahansaday baynu nahay! Waxaa jiray guddi loogu magac daray Guddiga Xaqiiqo Raadinta, waxayna dadka Soomaaliyeed ka fahamsanaayeen inuu yahay guddi ujeeddadiisu tahay inuu aruuriyo fal-danbiyeedyada ka dhashay dagaalladii kooxaha dhax marayay iyo sida xal looga gaari karo colaadihii waqtigaas jiray, iyo sidii shir nabadeed kooxaha Soomaalida ah loogu qaban lahaa, waa dhab in shaqooyinka uu guddigaas u imaan jiray Soomaaliya, waxaase ka muhiimsanaa guddiga inuu ururin jiray xogo ciidan iyo hadba awoodda taala guud ahaan Soomaaliya. Guddiga Xaqiiqo Raadinta, wuxuu ka koobnaa khubaro ku takhususay arrimo kala duwan oo warbixino ka soo ururiyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxayna soo jeedin jireen talooyin iyo fikrado la xiriira siyaabaha loo wajahayo barnaamijada ay waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay rabto siyaasad ahaan in laga dhaqan geliyo Soomaaliya. Guddigaas wuxuu la kulmi jiray waxaa ugu muhiimsanaa Bulshada Rayadka oo inta badan iyaga loo isticmaalayay in lagu ogaado xaqiiqooyinka xogaha ay guddigaas raadinayaan isla markaasna gacan ka geysanayay siyaasadaha wax looga fulinayo. Waxaa kaloo ay la kulmi jireen saraakiisha ciidammada iyo waliba haddii ay suuro gal tahay kuwa shaqada ciidanka ka tegay, siyaasiyiinta, ururada haweenka, iyo culumo ay xusheen. Waxay kaloo dhex qaadi jireen suuqyada iyagoo wareysanaya dad-weynaha isla markaasna daraasad ku sameyniya dabeecada iyo xaalladaha ka muuqda.

Dhallin-yaradu waa inay dadkooda iyo dalkooda difaacaan ammaankooda ka shaqeeyaan, waa inay gartaan cilladaha jira iyo dhibaatooyinka ay dadku wajahayaan, waa inay ka fekeraan, oo talo ka yeeshaan sida dalkooda loogu soo xad gudbay!…Orommada iyo Itoobiyaanka kale ee dalka soo galay waxaa la oran karaa dad-weynuhu siday u qaateen ma aha, arrimaha dadka xudduudda ka soo gudbaya waa kuwo ay ka dambeyso fikrad siyaasadeed iyo barnaamij ay dowlad leedahay markaas ma aha in lagu cabiro walaalnimo iyo arrimo ku salaysan xiriirka bushada ee qowmiyadaha dhex mari kara. Xiriirkaas haddii uu jiray maanta ma aha mid ka mid ah sababaha ay Orammada u timid dalka.

Mujtamaca Orommada intii ay burburtay dowladdii Soomaaliya waxay aad u wadeen hanqal taag iyo damac ka soo galay dhulka Soomaaliyeed, iyagoo markii u horeysay ka bilaabay deegaannada Soomaalida Itoobiya la hoos geeyay, waxayna arrintaas sii xoogeysatay markii uu Abiy Axmed noqday ra’iisal wasaaraha dalkaas, waxaa markaas lama huraan ah in dhallin-yarradu aysan yareysan ama fududeysan joogitaanka iyo soo gelidda Orommada ee dalka. AMISOM/ATMIS uma joogaan inay ilaaliyaan dad iyo dal Soomaaliyeed, waxayse u joogaan inay ilaaliyaan kuwa iyaga mushaarka siiya, iyo waxa ay wataan waana shaki la’aan in Orommada ay ka mid atahay kuwa ay ilaaliyaan, waana qeyb ka mid ah waxyaabaha ay Itoobiyaanka/Orammadu ay isku haleynayaan ilaalintooda iyo inay sugayaan ammaankooda marka laga soo tago xafiisyada aan horay uga soo sheekeynay ee uga furan maamul goboleeddada dalka. Waxaa iyadana arrin xiiso badan ah in dhallin-yaradu ay la socdaan AMISOM ama ATMIS inay ilaalo u yihiin cid kasta oo shisheeye ah oo Soomaaliya jooga sifo kastaba ha ku joogaanee! Iyadoo middaas madaxa lagu hayo ayaa waxaa loo baahnyahay in dhallin-yaradu ku baraarugto, kana shaqeyso in mas’uuliyiinta deegaannada ay ku noolyihiin iyo maamullada ka jira ay ku cadaadiyaan in kuwa joogana dalkoodii lagu celiyo kuwa soo socdana la hor joogsado… haddii maamulka uu cadaadis iyo culeys siyaasadeed soo wajahana ay xiriir la sameeyaan xafiiska iyagoo u sii maraya xafiis sharci yaqaan ah (Notary).

Dhallin-yarradu, waa inay macneysaa sheegashada joogtada ee qowmiyadda Orommada ee dhulka Soomaaliyeed, waa inay macneyn karaan hadallada cadowgooda ujeeddada ay leeyihiin. Waxaa iska cad in madaxda iyo siyaasigii dalka aysan ka soo bixin kaalintooda, sidaa daraadeedna ay waajib tahay in la helo xilkasnimo ilaalisa amniga dadka iyo dalka! Waa in la fahmaa dalkii waa la soo dhex degay, waxa soo degay ma aha saaxiib, mana aha nin ay dhibaato soo erisay, mana aha nin adiga aad marti gelisay, marka ay sidaas tahay muxuu ku joogaa?! Wali maamullada iyo dad-weynaha ma iska wareysteen sharciyadda joogitaanka dadkaan Itoobiyaanka ah, haddiise ay sharci ku joogaan ilaa iyo goorta ay joogayaan ma la garanayaa?! Soomaalidu waa dad ku fiican  soo dhoweynta, waxayna aad u rumeysanyihiin Orommada inay  yihiin dad walaal ah! Si kastaba ha ahaatee arrintaas sharci kama dhigeyso joogitaankooda iyo inay xudduudda soo jabsadaan waana khalad aad u weyn oo hoosaasin iyo khayaano ku ah dadka iyo dalka!…

Adeegihii dhaxlay gurigii reerkii uu u shaqayniyay!

Sida Itoobiyaanka ugu soo qulqulayo dalka iyo habcsanaanta ka muuqata dad-weynaha siiba dhallin-yaradii sow uma eka sheeko caruureeddii Adeegihii Dhaxlay Gurigii Reerkii uu u Shaqeniyay! Nin reer u ahaa adeege markii dambana reerkii gurigoodii ku qabsaday oo isagu dhaxlay, waa sheeko mar kasta aan madaxayga ka bixin, waa sheeko sawir ahaan u eg sida hadda Itoobiyaanka xudduudaha ka soo talaabaya ugu noolyihiin gobollo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Wuxuu ahaa nin miskiin ah, oo maryo duluf ah oo aad u duugoobay qaba, maalin kastana tuugsada, marar badanna guriga reerka cunto looga sadaqaystay oo isagoo gaajaysan cunto la siiyay, mar kasta oo cunto la siiyana wuxuu muujiyay dhaqan wanaagsan iyo asluub reerkii cuntada siiyay ay aad u jeclaysteen, wuxuu dhaqay alaabtii uu wax ku cunay, wuxuu ku daray isagoo aan loo dirin inuu dhulkii xaaqo oo nadiifiyo, markuu dhowr maalmood oo kala duwan oo cunto la siiyay uu sidaas u dhaqmay ayaa odaygii reerka oo malaha aad isha ugu hayay dhaqanka ninkan miskiinka ah maalinkii dambe ninkii miskiinka ahaa u soo bandhigay inuu u shaqeeyo oo yiri “Nin wanaagsan baad iigu muuqataa, nin aad aan u jecleystay dhaqankiisa baad tahay, ka waran haddaad inoo shaqayso oo aad guriga adeege ka noqoto?”

Miskiinkii oo qarsan kari waayay faraxadda si fiicanna u dhoolo cadeyniya ayaa yiri “Waa fursad nin shaqo u baahan iyo nin in loo shaqeeya u baahan, aad baan ugu farxi lahaa inaan kuu shaqeeyo, waan idin bartay, oo reer wanaagsan oo deeqsi ah, baad tihiin.”  

La Soco Beri