Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 5aad

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!)

DHaqan xun-xun oo ay fidinayaan iyo dhallan rogga Waa barnaamij lagu talo galay!

Waxaa shaki la’aan ah inaan ka dheregsanahay dabeecadaha musuqmaasuqa ah ee ay shisheeyuhu bareen mujtamacii gaar ahaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Waxaynu ognahay in dhaqankaas uu runtii si baahsan u taabtay guud ahaan nolosha bulshada gaar ahaan intii mas’uulka ahayd ee talada hayay! Laaluushka, hadiyadda, xatooyada, waxaas oo dhan marka sida dadka Soomaaliyeed loogu xalaaleeyay ama loo oggoleysiiyay aad fiiriso waa inaad garataa in dhaqankii ummadda laga dhigay Maandooriye!… marka bulshada uma baahna in la siiyo mukhaadaraad, Heroin, iyo cocaine, ama xataa khamri! Bal u fiirso dal isku sheega in uu Deeq bixiye yahay baa lacagta uu lahaa dalkaan ugu deeqay haddana waxaa bangigiisa dib ugu shubanaya mas’uulka xaday oo uu ogyahay raalina uga yahay!…Mukhaadareynta DHaqanka! cid diidi karta mukhaadareynta dhaqanka iyo xummaanta noocaas sida laga bartay waaya aragnimmada waxa jir dhallin-yarada, waliba dhallin-yarrada Soomaaliyeed!… dib u fiiri taariikhda halgamayaashii Soomaaliyeed oo iyagu dhammaantooda ama in ka badan 99% dhallin-yaro ayeey ahaayeen, waxaad fiirisaa magac kasta oo halgamaa Soomaaliyeed ahaa, waxaad fiirisaa ma xooleey urursan jireen ama hanti iyo xoolo laga dhaxlay baad maqashay!… haba ka yaabin waxaa qofka dhallin-yarrada ah ee Soomaaliga ah dabeecad ahaan hantidiisu tahay Geesinimo uusan geerida ka baqin, xishood uu ceebta ka cararo, Qab & Han! Sidaa daraadeed halgammayaashii Soomaaliyeed oo inta la ogyahay dhammaantood ahaa dad dhallin-yaro ah waxay hantidooda ahayd in dadkooda sharaf iyo milgo la mid ah midka dadka caalamka ay ku noolyihiin ay ku noolaadaan!  

Marka yeeysan tallada ku dhaafin, maanta waa adiga maalinkaagii, xil aadan ka leexan kareyn baa ku hor yaal, haddii ay talo tahay iyo hadii ay xoog tahay. Xil u baahan talo laga fikiray iyo dhiiranaan, dalku waa dalkaagii, dadkuna waa dakaagii! Waxaad aragtaa in dad seero dhaaf ah oo aanad keenin, oo idin Soomaaliyeed aan ku soo gelin ama aan ku joogin dalka ay khatar ku yihiin dhaqankii nololeed ee dadka, caafimaadkii dadka, amnigii dadka, iyo wax kasta oo dhowrsanaantii sharafeed ah. Maamul dowladeed iyo mid deegaan labadaba way muuqataa inay gabeen waajibaadkoodii oo waa cabsadeen! Maya! Maya! Maba dhici karto! Ceeb! Ma daawaneysaana?! Sida waajibku yahay waa inaad ugu yaraan maamulka xasuusisaa waajibkiisa, waa inaad ku mudaaharaaddaa hadba xafiisyada mas’uuliyiinta adigoo tilmaamaya dhibaatada kuu muuqatay, khataraha joogitaanka shisheeyaha, si aan kala joogsi lahayn, iyadoo loo naxayo nolosha dadka. Waxaad intaas ku dari kartaa talaabooyin qof ahaan sameyso sida inaadan soo dhoweyn, inaad xil-kasnima si ay ku jirto aad ugu sheegto “dalkaagii ku noqo” taasi waxay yareynaysaa inuu ku dhiirado joogitaankiisa sharci darrada ah.

Dhibaatada ugu weyn waxay ka imaaneysaa wacyi gelin la’aanta mujtamaca oo si guuda ahaaneed aan kuba baraarugsaneyn dadkaan Itoobiyaanka ah ee xudduudda iska soo talaabaya waxa ka imaan kara. Waa marka horee dadkaan ma aha dad aan dowlad lahayn, mana aha dad aan laga war hayn inay xadka dal kale oo xor ah ku xad gudbayaan! Taasi waa mid uu qof kasta garanayo, xudduudda dalka Itoobiya waxaa jooga ilaallada xudduudda lana socota dhaqdhaqaaq kasta oo ka jira oo ay ugu muhiimsantahay in aan qof iska socda oo aan haysan Dal-Ku-Gal, oo aan la baarin, oo aan buuxin dhammaan shuruudaha u dhigan gelista dalkooda uusan iska gelin. Sidaas si la eg waxay hubin ku sameeyaan kuwa xudduudda Soomaaliya u soo talaabaya, waana sida laga rabo maamul kasta oo Soomaaliyeed inuu u ilaaliyo xudduudaha uu la wadaago dalalka deriska ah!… Waajibaadka la xiriira in maamullada gobollada Soomaaliyeed ay ilaaliyaan xudduudaha waxaa hor taagan sababo aad u liita iyo kalsooni daro dadkii Soomaaliyeed la dhex dhigay, mar haddii ay sidaas tahayna waxay ka imaan kara khatar ay halis weyn ka dhalan karto.

Dadkaan soo galay mushkiladda kale ee ka dhalatay ee qof kasta taabatay ee lala wada aamusanyahay waxay tahay inay qaateen dhammaan shaqooyinkii hoose ee ka shaqaysan jireen dadka dan yarta ee aan xirfadda lahayn iyagoo ku shaqaynaya qiimo aad u jaban oo ka hooseeya kii ay dadkaas dalka u dhashay ay ku shaqaynayeen… waxaa intaas ka daran in ilaa 25-30 qof kasta oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay wada kireysanayaan hal qol. Waxaa iyadana marar kala duwan iyo goobo kala duwan aad looga cawday dhaqan xummada iyo nadaafad daro baahsan. Waxaa iyadana aan meesha laga saari karayn, in Orommada soo geleysa dalka ay ku socoto qorshe ay ka war hayso dowladda Itoobiya, oo xaalku uusan ahayn sida dad badan ay u heystaan inay dadkaan gaajo iyo nabad gelyo daro ay ka soo carareen. Waa wax dhici kara inay tiro iyaga ka mid ah ay dhibaato iyo nabad xumo ay ka soo baxsadeen waaba haddii ay jiraanee.

Gobolka Baay, ee maamulka Koonfur Galbeed, aad bay u dageen cid la hadashay iyo cid daneysay midna ma jirto, dadka ugu badan ee Bara-Kacayaasha loo yaqaan ee magaallada Muqdisho looga sameeyay xeryaha ee inta badan ka yimid gobolka Baay waxaa inta badan la sheegaa inay ku jiraan Oromo fara badan, waxaana waayadaan dambe, magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Boosaaso, waxaa ku nool tiro wali si xawli ku jiro kor u sii kacaysa oo lagu qiyaasay ilaa 300-470 kun oo Itoobiyaan ah in kastoo aysan jirin tiro koob lagu sameeyay. Waxaana jira in dhammaan maamullada dalka ka jira ay dowladda Itoobiya uga furanyihiin xafiisyo sida dhaqankooda muuqda laga fahmi karo shaqada ay u joogaan ay tahay caburin iyo inay cadaadiyaan madaxda maamullada, taasoo sabab u noqota inta badan inaan laba soo hadal qaadin dhibaatooyinka faraha badan ee xag caafimaad, dhaqan, iyo nadaafadeed ay bulshada ku hayaan dadkaas Itoobiyaanka ah!…  

Dhibaatada dhaqanka xaggiisa ah ee ay keenayaan dadka Itoobiya ka soo yaacay ee xudduudda ka soo goynaya, waa mid dhibaatadiisa haddaan laga hor tegin ay ka dhallan karaan dhaqamo xun-xun oo iyaga naftooda sii xumeyn xaaladaha amniga, caafimaadka, dhaqanka iyo dhaqaalaha iyo si caam ah nolosha bulshada. Iyada oo sidaas xaalku yahay ayaa haddana dadka badankiisa aysan u muuqan xaqiiqda arrimaha socda, waxayna ka fekerayaan sidii ay dadkaas gargaar bini-aadanimo ugu fidin lahaayeen, qaar kale ayaa Alle ugu dhowaansho ugu kaalmeynaya, iyadoo aan la aqoon dadkaas Orommada u badan xaqiiqdooda, dhibaatada ay sheeganayaan inay jirto iyo in kale.  Arrin kale ayaa waxay tahay in 70% in ka badan ay dadkaas yihiin dad aan aqoon lahayn ama dhaqanka mujtamaca horay u fahmeyn, waxaase kuwo badan oo iyaga ka mid ah laga garanayaa inay u dhaqmayaan sidii inay joogaan meel aan maamul iyo dowlad midna uusan ka jirin, sidaa aawadeedna aysan jirin cid la socota waxa ay dalka ku joogaan iyo waxa ay ka hayaan, sida ay ugu noolyihiin, oo aan lays weydiineyn; maxay dhimmeen? Maxaase laga dheefay? Qaar kale ayaa iyagana la oran karaa inay rumeysanyihiin in xafiiska Itoobiya ku leedahay maamullada ay joogaan ay yihiin kuwa maamula gobolladaas, markaas ay taas siinayso fursad ah inay siday rabaan ugu noolaadaan!…   

La Soco Beri