Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 3aad

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!)

Waxaa marar badan muuqanay khayaano iyo dhagar khatar ah oo xeeladeysan inay ka dambeyso dadka Orommada ah ee dalka ku soo yaacay, mana aha mid la qarinayo oo waxaa si caddaan ah marar badan aad shacabka uga maqleysaa inay dantoodu tahay is fidin iyo dhul raadin ay la ogtahay dowladooda. Waa dhab Oromo iyo inanga xiriir sokeeye ayaan lahayn, waxaana jirta in dad badan oo Oromo ah oo ka soo cararay dulmigii iyo addoonsigii Xayle Salaase ay Soomaaliya u soo caraeen, dadkaas waxaa ka mid ahaa hoggaamiye sare Alle ha u naxariistee General Waqoo Guutu oo isagu ka soo baxsaday Bali, markii ay halkaas kacdoon ka sameeyeen shacabkii Booranta ahaa, Waaqoo iyo dad badan oo la soo baxsaday waxaa loo soo dhoweeyay si weyn iyadoo aan loo kala harin shacab iyo dowladba, dadkoodii shacabka ahaa  ee ka soo tallaabay xudduudda waxaa la dejiyay  oo lagu soo dhoweeyay gobolka Gedo, Waaqoo Guutu iyo saraakiil kale oo la socotayna waxay dowladdii Soomaaliyeed u fidisay gacan weyn haddii ay ahayd mid ciidan iyo mid siyaasadeedba. Waxaa xeryo taba-bar looga furay dalka Soomaaliya, iyadoo maalin kasta dhallin yarrada Oromada ah ee xadka ka soo tallaaba la soo dhoweeyo si ay ugu biiraan ciidammada isu diyaarinaya inay Oromia ka xoreeyaan boqortooyadii Amxaarrada ee addoonsaneysay.

Waxaa iyadana xusid mudan in ciidammadii Oromada/Somali-Abbo markii ay dagaallada galeen ay la socdeen ciidamo si mutadawacnimo ah uga garab dagaalamayay oo Soomaaliyeed. Waxay middaas ku tuseysaa in dadka Soomaliyeed ay hiil iyo hooba tareen oo aysan marna uga harin ama ku cidleyn halgankii ay ku jirtay Oramada, illaa iyo intii laga ridayay xukunkii Casaa ee Derga ee uu hoggaminayay dhiigyo cabkii Mengistu Xayle Maryam. Xaalladihii berigaas waxay ahaayeen kuwo laga garaabi karo waxayna dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si buuxda u tabantaabiyeen shacabka Oromada ah oo markaas wajahay duruuf adag waxaana arrin xusid mudan ah in shacabkii Oromada ahaa ay dalka si xoriyad buuxda ah ugu noolaayeen.  

Hasa yeeshee, xaaladda maanta taagan iyo sheekada Itoobiyaanka siiba Oromada ka soo talaabaya xudduudaha dalka aad bay uga fogtahay sida dhallin-yarrada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u fahamsanyahay ama ay is moodsiiyeen. Arrintan waa arrin walaaceeda leh oo aan la dhayalsan karin marka la fiiriyo siyaasadda nidaamka maanta ka arrimiya dalkaas Itoobiya. Waxaa la oran karaa dadka soo yaacaya ee xadka soo goynaya waa qorshe jeexan oo ay si ku talo gal u samaysay dowladda Itoobiya, waxaana taas cadayn u ah sida kibirka iyo is yeel-yeelka ahayd ee uu uga hadlay wasiirkii hore ee Is-gaarsiinta Negeri Lencho iyo guud ahaan xukuummaddii Xayle Maryam Diseleen (Hila Mariam Desalegn) markii uu maamulka Somaliland bishii September 2017, dad badan oo Itoobiyaan ah ku celiyay dalkooda. Wasiirkaas hore, Lencho, ayaa isagoo la moodo inuu handdadaad uga dan leeyahay sheegay inay aad uga xannaaqday dowladda Itoobiya dadkaas la soo celiyay, iyadoo waliba ku doodaysa in dad Oromo ah oo muddo dheer deggenaa Somaliland la soo bara-kiciyay!…La soo bara-kiciyay?! (Dispalced) yaa?! Sidii dad dalkoodii laga soo saaray, iyagoo u ekeysiinaya in dadka Itoobiyaanka ah joogitaankooda ahaa mid sharci ama sharci deggenaansho ku joogay Soomaaliya, walina si aan kala go’ lahayn bay dadkaas Itoobiyaanka ah ugu soo qulqulayaan Soomaaliya iyadoo aad moodo in dadkii mas’uuliyiinta ahaa iyo hay’adihii amniga aysan ku baraarugsaneyn.

Marka hore waa in la fahmaa dadka Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya u soo talaabaya inay tahay arrin shaci darro ah, inay meel ka dhac ku tahay qaranimmada Soomaaliya, una baahantahay in laga hor tago oo la joojiyo, isla markaasna ay tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu ka dhiidhiyo oo ilaaliyo xudduudda dalka, siiba dhallin-yarrada. Dadkaan ma aha qaxooti, dalkooda waa nabad, ama ugu yaraan wali dowlad iyo nidaam baa ka jira, Soomaaliyana ma aha hay’ad sama-fal ee waa dowlad, qaran xudduudo iyo xeerar iyo qaynuun ilaaliya leh, sidaas daraadeed dhallin-yarrada iyo guud ahaan dad-weynaha Soomaaliyeed waa inay sidaas fahamsanaadaan,  xudduudaha dalkana sababo bini-aadminimo iyo magan-gelyo-siyaasadeed qofna looguma oggolaan karo inuu uga soo talaabo haddii aysan baaritaan ku samayn hay’adaha ku shaqada leh oo aysan iyaga sidaas oggolaan!…Midda kale dhallin-yarrada waa inay maanka ku hayaan oo ay dareensanyihiin xaaladda dalka Soomaaliya ku jiro iyo inaysan jirin cid si buuxda ula socota dadka xuddudaha dalka ka soo talaabaya iyo waxa ay yihiin, waxaana muuqata in guud ahaan mas’uuliyiinta dalka heer Federal ilaa iyo heer gobol ay si isku mid ah uga aamuseen qabashada hawlihii ay kitaabka u mareen sababaha ay sidaas u yeelayaanna wax badan innagama qarsoona, mar haddii ay sidaas tahay waxaa lama huraan ah oo waajiba noqonaysa in qof kasta oo Soomaali ah uu iskii isu xilqaamo una istaago ilaallinta qaranimada isagoo aan xad-gudbayn wixii lama huraan ahna aan ka tageyn.

Waxaa arrin ceeba ah in nin mas’uul sheeganayo marka la soo hadal qaado Itoobiyaanka xudduudaha sida sharci darrada ah uga soo talaabaya uu yiraahdo “Waa dad gaajaysan oo nolol doon ah!…. Waa dad ina soo magan galay!…”  hadii aan labadaas wax ka qaban karayno dowladda may ku dhawaaqdo in dadka Soomaaliyeed ee xeryaha qaxootiga Kenya ku jira dalkooda lagu soo celiyo?!…waxaana intaas dheer oo la doonayaa in dhallin-yarradu fahamto inay jiraan dad wax ka og barnaamijka dadkaas Itoobiyaanka ah ay ku socdaan oo Soomaali ah oo hadalladaas iyo kuwo la mid ah ku marin habaabiya dadka shacabka ah; inay nolol doon yihiin lama diidana, inay Muslimiin yihiin lama diidana, laakiin ha ku yimaadaan nidaam qaynuun ah si waafaqsan xeerarka dalka Soomaaliya u yaala.

Dhallin-yarrada Soomaaliyeed, waxaa marka u horeysa ka muuqda habacsanaan, iyo inay saameysay dabeecadaha waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay ku marin habaabiyeen madaxdii iyo siyaasiyiintii dalka. Waxaa si dhib yar shisheeyaha dalka jooga ay u dheehan karaan aadna u dareensanyihiin inaysan jirin dhallin-yaro uu fikir dal jacayl ah ku jiro, ama hami ah dib u soo celinta haybaddii qaranimo ee dalkooda…waxay dareemayaan dhallin-yaro u jajaban oo innaba ha yaraatee aan wax shaki ah ka qabin waxa uu ku salaysanyahay joogitaanka qofka ajnabiga isagoo waliba mararka qaarkood xoriyaddiisu ka sareyso qawaaniinta dalka u yaala, waxay dareemayaan dhallin-yarradu inaysan aqoon qiimaha dalkoodu leeyahay!…waxaa intaas oo dhan ka sii daran in dhallin-yarradu aysan wax xiriir ah lahayn oo ku kala go’doomeen xayndaabyo ay sameeyeen oo ku kala qoqobeen madax iyo siyaasiyiin garashada iyo aqoonta ay leeyihiin ay tahay midda dalkooda u yeeshay aragga uu maanta leeyahay!…Aah!….

La Soco Beri