Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 2aad

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!)

Itoobiya iyo guumeystayaashii kale ee dalka soo haliilay runtii qorshahooda marna isma bedelin, waxaana arrin la yaab leh ahayd in guumeystayaashii reer Yurub ee dalka ku soo duulay uu qorshahoodu ahaa inay dalka qabsadeen sida uu ahaa cahdigii ka soo baxay shirkii Berlin ee 1884kii ee reer Yurub ay ku qeybsadeen dalalka Afrika!…waxaana la oran karaa fikirka noocaas ah qeyb ahaan waxbaa uga suuro galay marka la eego sida ay u kala qeybiyeen dadkii Soomaaliyeed iyo dalkoodii, oo qeybo ka mid ah ay ugu dareen dalalka Itoobiya iyo Kenya. Taas ma aha inay ka adkaadeen ama joojiyeen halgankii dadka Soomaaliyeed ay ugu jiraan midnimmadooda iyo madax-bannaanidooda, laakiin halganku wali waa socdaa, colaadda iyo duullaanka cadowga uu Soomaaliya ku hayo ee joogtada ahna waxay salka ku haysaa in laga hor tago fikirka Soomaali mid ah! Mar haddii uu arrinku sidaas yahay waxaa lama huraan ah in qofka dhallin-yarrada ah ee Soomaaliga uu garto ama ka fekero oo mar kasta uu maanka ku hayo in dowladnimmada iyo gobanimmada dalka ay u baahantahay awood lagu ilaaliyo jiritaankooda, oo aan ka yareyn halgankii loo soo maray dowladnimmada iyo qaranimmada aan maanta haysano.

Si loo ilaaliyo amniga, dadka, iyo dalka, waxaa marka hore muhiim ah inuu qofka dhallin-yarrada ah garan karo inuu yahay qof ku nool dhul u gaar ah (Dal) oo ka duwan dhulka intiisa kale, oo awoowgiis lahaa, oo ciiddiisa, hawadiisa, qorraxdiisa, iyo biyihiisaba ay u sameysmeen sida awoowgiis ugu talo galay inay ku noolaadaan jiilka dhaxlaya isaga!… Arrintaas waxaad garan kartaa oo keliya marka aad ka baxdo dhulkaas ka sameysan dhiiggii iyo dhacaankii awoowgaa (dalka Soomaaliya) ee aad gasho ciid, hawo, qorax, iyo biyo aan adiga kuu sameysneyn oo aan kuu ekeyn, oo aan ku oggoleyn oo ku fogeyneysa oo ku dareensiineysa inaad ajnabi ka tahay oo aydaan waxba wadaagin! Waa halkaas qodobka muhiimka ah ee qofku uu ka garan karo macnaha guumeysiga!… waa halkaas, meesha uu ka bilaabanayo dareenka baahida gobanimmada iyo gumeysi diidnimmada! Oo sidee?!…

U fiirso jawaabta, inta aan la gaarin gumeysi ku qabsada, inta aan la gaarin cadow dalka xoog ku xukuma, waxaa khatar ah haddii ay dhacdo in ajnabi aad adigu raali ka tahay uu kaaga bato dalkaaga, maxaa yeelay waxaa marka hore suulaya dareenka sameyskii uu awoowgaa ugu talo galay inaad ku noolaato waxaana si tartiib-tartiib ah u bedelay sameys aad dareemeyso inaad dhaqan doorsoontay, in lagu dhallan rogay, taasoo macnaheeda yahay in dhaxalkii awoowgaa lagaala wareegay!… Marka sidan qofka ku dhacdo way ka waxyeelo badantahay marka guumeystuhu xoog kugu qabsado, maxaa yeelay marka guumeystuhu qofka u xoog sheegto qofka waxaa wali ku jira dareen wax iska caabbi ah, laakiin midda ajnabiga aad soo dhoweysay kaaga bataan gurigaaga waxay si xanuunkeeda la dareemeyn u dhaqeysaa dhiiggii iyo dhacaankii awoowgaa ilaa aad dareento inaysan jirin nolol aad leedahay maxaa yeelay waxaad dareemeysaa cabsi, waxaad dareemeysaa inuusan jirin dhul kuu gaar ah (Dal)!…  dareenka noocaan ah waxaa shaki la’aan ah in laga helayo dadka ku nool Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo dadka ku nool gobolka Woqooyi Bari ee Kenya!….

Dalkaaga adigaa iska leh! Dhallin-yarrada maanta waxaad moodaa inay isku hilmaameen noloshii dowladnimmadii dalka ka jirtay, waxaysan wali yaqiinsan xaqiiqda indhahooda hor taal, waxaysan rumeysan in dalkii laga qabsaday, waxaysan rumeysan dhallan rogga ku socda, waxaysan rumeysan in dowladnimadoodii la xaday, iyagoo taagtaagan oo waliba qoslaya! Baahi bay dareemayaan waxaana loo sheegaa inay faqrinimo tahay, halka arrintu sidaas ka duwantahay oo hantidiisii, la rartay!… oo yaa u ilaalinaya?! Xudduuddii dalka bad iyo beri labadaba waa la soo jabsaday, ajnabi meel kasta maraya… kaaga daranee innaba ha yaraatee wax dareen ah oo cabsi ah ama ummad dhan ku soo xad gudbay ah ma qabo!… Marna ma ka fekertay Orommada xudduudaha dalka soo jabsatay?!.. marka aan sidaas leennahay ogow qowmiyadaha ee Itoobiya xudduud ma lihidin sidaas daraadeed waxaa 99% dalkeena u soo tallaaba waa qowmiyadda Orommada.

Waxaa caadi iska noqotay intii uu dalka burburay in Itoobiyaan aad u tiro badan oo iskula socda boqol-boqol ama lab-laba boqol ama mararka qaarkood isula socda kumanaan ay ka soo talaabayeen xudduudaha dalka oo dhan iyadoo dadka soo talaabaya ay yihiin dhallin-yaro da’doodu u dhexeyso 20-30 qiyaastiina sida la xaqiijiyay 75% ay rag yihiin, waxayna arrintu faraha ka sii baxday markii ninka ra’iisal wasaaraha ah Abiy Axmed uu yimid Soomaaliya oo uu dadkiisa u sheegay inay Soomaaliya kula heshiiyeen labada dal inay mid noqdaan, waxaana maalinkaas illaa iyo maanta xudduudaha dalka ka soo talaabay dhallin yaro Itoobiyaan ah oo celcelis ahaan tiradooda lagu sheegay kumanaan. Dadkaas sida sharci darrada ah xadka uga soo tallaabaya ma jirto cid la socota ama maamul dowladeed ha ahaado ama ha ahaadeen dadka hor-yaalka bulshada ah, ama guud ahaa muwaadhiniinta, waxaana intaas oo dhan ka daran qaybtii ugu muhiimsanayd bulshada oo ahayd xubintii dareemi lahayd, ka dhiidhiyi lahayd xummaanta iyo dhibaatooyinka soo wajahaya ummaddooda inay noqotay mid aan sidii laga rabay u gudan xilkeeda ……Dhallin-yarradii!..

Sida laga war qabo intii uu burburka dhacay dhallin-yarrada Itoobiyaanka xuddudaha aad bay ug soo talaabayeen, waxayna ugu badnaayeen gobollada maamullada Koonfur-Galbeed, Puntland, iyo Soomaaliland, dhibta ugu badan ayaa waxay tahay in dadkaas xadka ka soo talaabay aysan cidna ka war hayn tiradooda, iyo sababta ay xadka uga soo gudbeen iyagoo aan waliba oggolaansho cidna weydiisan, waxaana arrin aan maan gal ahayn ah in dadka shacabka ee dalkooda lagu soo xad-gudbay ay isku qanciyaan inay dadkaan yihiin dad tahriib ah oo doonaya inay doonyo ka raacaan xeebaha Soomaaliya si ay u galaan dalalka Carabta, is-moodsiinta noocaas ahna waxay keentay inay xuddudihii dalka iska noqdaan kuwo cid kasta iska soo gasho….Caqligii iyo fekerkii xaggee bay ka baxeen, arrintu ma sidaas bay u sahlantahay?!….

La Soco Beri