Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 1aad

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!)

Itoobiya walaalo ma nihin, laakiin deris baa nahay, deris wali colaad kala tirsanaya oo aan heshiin!

Waxaa arrin wallaac badan ka taaganyahay noqotay Itoobiyaanka xudduudaha Soomaaliya ka soo ka soo tallaabaya, waliba iyadoo aysan jirin wax cabsi ama dhiilo ah oo ay ka qabaan inay ku soo xad gudbayaan xudduudda dal kale oo aysan rukhsad u haysan inay ka soo tallaabaan xudduuddiisa ama Dal-KU-Gal, si la moodo inuu dalkoodii yahay, waa yaab mana yara! Garanay siyaasigii inuu daba-dhilif noqday, hasa yeeshee dalka waa gurigeenii, waa hooyadeen, waa aabbaheen! Waxaan ka samaysannahay ciiddiisa, biyihiisa, dhirtiisa, mirihiisa, iyo hilbaha iyo caanaha xoolihiisa, qoraxdiisa, hawadiisa! Dalkeenna waa waxa aan nahay oo dhan, oo waa Dalkeenna!…Waa saxansaxada, waa marka roobku da’o udugga iyo carafta, waa cirkiisa buluugga ahee aan daruurta lahayn, waa baddaas buluugga ah ee hirarka cad-cad waa callankaas buluugga ah ee xiddigta cad, waa sharafta iyo qaranimmada ay u god galeen kuwii aan dhaxalnay waa geyigeena, waa gurigeena berina guriga ilmaheena, waa halka ay innagu koriyeen waalidiinteen, waa guriga si uu hoy inoogu noqdo lagu gaday nafta awoowayaasheen, waa SOOMAALIYA!… Soomaaliya waa dalkeena, waa dadkeena waana astaanta laynagu yaqaan!…“Innagoo caruuroo cidna aan aqoon buu na calimayaayee callanku waa ciskeena! Haa callankaayaga, callankaayaga, callankaayaga, haa cirka u eg ku caashaqnayee caweysinee!” waa hees dugsiyada hoose laga qaadi jiray intaysan askarta qabsan talada dalka 1969kii.

Waxay ahayd arrin cajiib caruurnimmadii, ardaynimmadii, macallimiintii, askartii, iyo waaliddiintii!…Dadku waxay ahaayeen dad quruxsan oo wada caafimaad qaba, midkooda baahan iyo midkooda dheregsan waxay ahaayeen dad aad garanayso inay wax ka dhexeeyaan, waxa ugu weyn ee isku hayayna waxay ahayd inay yihiin dad Soomaaliyeed oo rumeysan inay Soomaalinimo wax kasta isugu yihiin. Ma aha inaysan khaladaad jirin, ma aha inaan lays khilaafi jirin, ama inaan lays dagaali jirin, laakiin waxaa jiray cunsur aan waligii dhimman oo ah midka isku haya ummadda, cunsur nool oo xumaanta diida oo leh ur iyo dhadhan gaar ah oo si weyn u buuxiyay jirka qof kasta oo Soomaali ah, khilaaf kastana lagu xaliyo kaasoo ahaa Soomaalinimo!… Soomaalinimo!… Dhallin-yaradu waxay ahaayeen ruuxa iyo nafta Soomaalinimmada, iyo cududda isku heysa mujtamaca ee uusan marna cadowgu wax kala qeybiya soo dhex geli karin! odayaashuna waxay ahaayeen kuwo iskala weyn inay tuugsadaan ama shaxaad qaataan, ama la laaluusho oo ceebtu qabato iskalana weyn kana faana inay ku dhacaan wax lagu xanto!…waxaas oo dhan waxaa horseed ka ahaa geesinimmada iyo hufnaanta qofka dhallin-yarada ah!… Shakhsiyadda dhallin-yarrada Soomaaliga ah waxay ahayd mid xoog badan oo waliba muuqata, waa shaki la’aan in cadowga dibad iyo gudahaba ee shakhsiyaddaas indhihiisu qabtaan inuusan u soo hanqal taagi jirin Soomaaliya, waa shaki la’aan inay quus ka istaageen kana cabsadeen geesinimmada hibada ah ee All ku dheehay dhallin-yarrada Soomaaliyeed!…

Waxaa dalka Soomaaliyeed waligiis u soo halgamayay dhallin-yaro is abaabushay oo iskeed isu xil qaantay, dhallin-yaro aan dowlad wax siisa haysan, dhallin-yaro wiilal iyo gabdhaba leh oo adduunka looga aqoonsaday inay naftooda u bixin karaan ilaalinta sharafta ummadnimo iyo qaran ee dalkooda iyo dadkooda, cadowguna wuxuu qabay cabsi uu aad isaga ilaaliyo Soomaalida, oo runtii taariikh ahaan ku caan baxday geesinimo aanay dagaalka dib uga laaban, iyo inay ku dhashaan dagaalyahanimmo. Waxyaabaha wali la xasuusan karo waxaa ka mid ah dagaalkii 1964kii, waad garan kartaa dowlad yar oo 4 sano jirta oo aan wali cagaheeda dhab isugu taagin baa waxaa ku soo duulay dowladda guun ah oo dunida badankeed hiil iyo garab istaag ka heleysa, Itoobiya, hasa ahaatee waxaa si geesinimo leh uga hor tegay ciidamo aan badneyn oo xoogga dalka ahaa, waxaase taas ka muhiimsanaa in dhallin-yaro naftood hurayaal ah oo iskood isu soo abaabulay ay iyagana dagaalkaas cadowga lagu yureyniyay ka qeyb galeen, iyadoo uusan hub faro badan jirin, dhaqaalaha lagu dagaalamayeyna wuxuu ka yimid xoolo iyo beero wixii ay dadku heysteen, waxayna dunida la yaabaneyd inuu dagaalka soo dhaafi waayay meelihii xuddudaha ahaa ee uu ka bilowday!

Ma aha mid faan iyo iska hadal ah, dhallin-yarada Soomaaliyeed waligood waxay ahaayeen indhaha soo jeeda ee ilaaliya dadka iyo dalka, waxay ahaayeen indhaha iyo dhegaha horay u arka ama u maqla xummaanta iyo dhagarha cadowga dalkooda oo isla markaasna waqti ku haboon ka dhiidhiya, waxay ahaayeen kuwa ilaaliya ee looga baqo xudduudaha dalkooda Bad, DHul iyo Cir. Sarkaal ka mid ahaa ciidammadii dagaalkaas la galay cadowga wuxuu ii xaqiijiyay inaysan jirin wax taageero ah oo ay dibad ka heleen, marka laga reebo qoryo ay ugu deeqday dowladda Masar oo lagu sameeyay dalkaas, magaciisuna ahaa Xakiim! oo xabbad keliyaale ah. Wuxuu sarkaalkaas ii sheegay in qorigaas uu ahaa mid aad u hooseeya heerkiisa tayada marka la fiiriyo, oo cilladda ugu weyn ee ay kala kulmeen ay ahayd inuu dhaqso u kululaanayay markaas ay cabbaar qaadaneysay inu qaboobo, “laakiin innagu aad baan ugu faraxsaneyn waana ku dagaalannay oo dalkeena u difaacannay cadowgiina kaga erinay” ayuu yiri sarkaalkaas.

Waxaa iyadana arrin xiiso badan ahayd in dhallin-yaro u badan reer miyiga oo qoryahooda wata ay dagaalkaas si iskood ah iyadoo aysan dowlad abaabulin u soo galeen oo ay ka dhinac dagaalamayeen ciidammada xoogga dalka!… Dhallin-yarradaas, ayaa badankood watay qoryo lagu magacaabay Kow iyo Tobanle (DHoonbir) iyo Lixle-Gaab, dhammaan qoryahaas waxay ahaayeen xabbad-keliyaale, halka cadowga Itoobiya hab dhameystiran oo ciidan ku soo duulay, isagoo waliba gacan ka helay dowlado kale!… Dhallin-yarrada, waxay dagaalka ka galeen meel kasta oo xudduud ahayd ee cadowgu ciidankiisu keenay. Waxaa waayadaas soo caanbaxay heestii ay ku luuqeyn jirtay Alle Naxariistiisii janno ha siiyee Seynab Xaaji Cali (Baxasan) Guuleysta, Guuleysta, Geeshkayagow Guuleysta, Guuleystaa, Guuleystaa, Guul Lagu Reeyoo Guuleysta!…Seynab oo iyada laf ahaanteeda ahayd qof dhallin-yaro ah waxaa ay si hiil iyo dal jacayl ku jiro ay u garab istaagtay dhallin-yarradii iyo ciidammadii xoogga dalka ahaa ee naftooda iyo dhiiggooda ku bixiniyay difaacidda dadka iyo dalkooda, heestaasna waxay noqotay hees ilaa waagaas ilaa iyo maantdan la joogo ku nool quluubta qof kasta oo Soomaali ah ee joogay ama looga sheekeeyay halgankii maalinkaas cadowga looga difaacay dalka iyadoo 4 sano keliya uu dalku dowlad yahay!…..

 La Soco Beri