Magac u yaalka “Beesha Caalamka” waa shaati Burcadnimo oo Soomaaliya loo soo huwaday!

W.Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Wali waxaa laga fekerayaa sidii laynoo soo heysan lahaa! Kuwa aan madaxda u naqaana waxay ku faraxsanyihiin inay dulaal ka ahaadaan haysashada iyo joogitaanka cadowga ee dalka! shacabkii iska celin lahaana iyagaa been u sheegay oo yiri dowlad baan nahay!

Haddii aan maxmiyad nahay oo laynoo cadeyn lahaa in nimanka isku magacaabay Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay ay xoog ku qabsadeen kuna maamulayaan dalkeena oo ay ballan qaadi lahaayeen ama sugi lahaayeen ilaalinta xudduudaha dalka, ilaallinta kheyraadkiisa, oo ay sameyn lahaayeen maamul ay iyagu ku ilaaliyaan qawaaniinta iyo dhismaha dowladnimo oo leh adeegyadii nolosha ummaddu u baahantahay iyo waliba sida Soomaaliya dal burburay waxyaabaha uu u baahanyahay, hadday tahay; dib-u heshiissiin, dib-u dhis, soo celinta nidaamkii wax soo saarka, shaqo abuuris, nidaamkii caafimaadka, wax-barashada, iyo nidaam dowladnimo oo shaqeynaya oo ay ka jirto kala dambeyn iyo qawaaniin kala hageysa, waxay dhaami lahayd ama ay ka fiicnaan lahayd sida ay hadda inoo la dhaqmeen Burcadda isugu yeera ama adeegsada magac u yaalka Beesha Caalamka! Waxaa iyadana uusan shaki ku jirin in Burcaddaas ay maalin kasta kuwo isugu yeera Golaha Ammaanka u cusbooneysiiyaan muddada joogitaanka dalkeena si ay u sii socdaan jariimooyinka DHaqan Doorinta, Boobka DHulka Soomaaliyeed, Duleysiga ummadda, iyo Tirtirista taariikhda iyo Soo-yaalkii ay dhaxli lahaayeen jiilka cusub iyadoo jiilka maanta jooga kii ka horeeyay aayihiisii sidii ay Burcadda Beesha Caalamka ugu talo gashay uu ku soo dhammaaday qaxootinimo ay qaarkood maalin kasta doonyo kula degaan badda Mediterranean-ka iyo badaha reer Yurub, kuwa kalana ay ku dhex jiraan colaado iyo cadaab aan dhammaad lahayn oo magacyo loo sameeyay, sida La-Dagaallanka Argagixisad, isla markaasna aysan waxba ugu oolin noloshooda intaan la gaarin dad, dal iyo qaran!…

Taariikhda casriga ah sida dadka Soomaaliyeed loogu dulmiyay magaca Beesha Caalamka, waliba si aad moodo in dunida oo dhan ay heshiis ku gaartay waxaad ka garaneysaa sida loogu fiirsaday muddo 33 sano ah inay burbursanaato, haddana dano kasta oo laga leeyahay loo soo adeegsaday shirkado ay ilaalinayaan sharciyo iyo ciidamo ay Burcadda, Beesha Caalamka la baxday waxay doonaan dalka uga sameystaan. Qarammada Midoobay maxay Soomaaliya u qabataa?!…DHabtu waxay tahay inaysan waxba u qaban, laakiin iyadaa ka hesha dhaqaalaha ay u baahantahay bililiqada iyo xasilooni darrada ay dalka ku hayso Burcadda Beesha Caalamka ee ay u sharciyeysay kuna ilaaliso Soomaaliya!…dadka Soomaaliyeed waa ogyihiin waan ka dheregsanyihiin in loo xoog sheegtay loona adeegsaday qaar uur kiraalayaal ah, oo sidii eydii loo soo taba-baray oo wax ma garato ah diirkana la wadaaga!…

Hub ku fillan inaan isku leyno waan heysanaayee, cuno qabateyntii hubka oo ina saran baa haddana maalin kasta dhallintii isku dhammaatay marka waxa laynoo garbo duubay indhahaagu ma arkaan?!

Qarammada Midoobay, dalka iyadaa maamulata, maalin kastana nimanka Golaha Ammaanka isku sheega waxay qabtaan shirar ay ku sheegayaan Soomaaliya inaysan ammaan ahayn, waxay soo saaraan war bixino dhibaatada, saboolnimmada, aqoon-darrada, gaajada iyo musuqmusaaqa Soomaaliya ka jira sheegaya! Waa wax lala yaabo!…Badda Soomaaliya kalluunka laga xado waxaa lagu qiimeeyay in sanadkii qiimo ahaan uu billion dollar kor u dhaafay. Mar aan la kulmay wasiir ku hawlanaa arrimaha kalluunka Soomaaliya laga xado, oo dalal badan soo maray kana tirsanaa golihii fullinta Cumar Cabdi-Rashiid xilligii SHiikh SHariif, wuxuu ii sheegay in tirada maraakiibta waqtigaas xatooyada uga kaluumeysanayay biyaha Soomaaliya ay gaarayeen 667 markab inta la ogyahay oo ay ku ogaadeen baaritaankooda, maraakiibta ugu badanna laga lahaa dalka Jabbaan. Waxaa iyadana shaki la’aan ah inay tiradaas maanta intaas ka badantahay!… Balse ka waran Burcada huwan magaca Beesha Caalamka waxay kalluumeysatadii Soomaaliyeed u aqoonsadeen Burcad-Badeed!…Yaa Burcad ah?!…illaa iyo maantadaan qaar ka mid ah kalluumeysatadii Soomaaliyeed ee maraakiibta tuugada biyahooda kula dagaalay ayaa xabsiyada dunida ku jira!… Waxaase yaab leh qawaaniinta caalamiga ah ee qabatay kalluumeysatada Soomaaliyeed ee aan qaban tuugada ilaa iyo maantadan biyaha Soomaaliya xoogga iyo xatooyada uga kalluumeysanaya!…Qarammada Midoobay baa inoo gargaara?!…Yaa?!…waxaa shaki la’aan ah in bililiqada Soomaaliya laga bililiqeystay ay maanta qeyb weyn ka tahay miisaaniyaddeeda ama miisaaniyadda dalalka awoodda sheegta.

Runtu waxay tahay in Soomaaliya dhinac kasta laga dumiyay, oo waliba inta dadkii la gaajeysiiyayay laysku dayay inta la gumeeyo in dalka si dhib yar oo aan dagaal ahayn looga qaado, waxaana markii u horeysay dalka la soo geliyay ciidamo Itoobiyaan ah oo 30 kun kor u dhaafay iyadoo sabab looga dhigayo inay la dagaalayaan Argagixiso isla markaasna ay gacan ka geysanayaan ammaanka iyo sidii ay dowladda u noqon lahayd mid taaba gasha, ciidammadaas  ayaa soo qabsaday gobollada Gedo, Bay, iyo Bakool oo gaaray ilaa caasimmadda Muqdisho 2006dii. Hasa yeeshee ay sababta dhabta ah, ahayd in lagu dumiyo dowladdii muddada labada sano ah lagu soo dhisayay Mbagathi, iyo in haddii ay suuroobeyso oo cid iska caabiso la waayo sidaas magaca Soomaaliya looga suuliyo khariidadda adduunka, waxaase si geesinimo leh uga hor yimid ciidammadii hororka ahaa ee guumeysiga Itoobiya ee ay tunka ku soo qaadeen Burcadda huwan magaca Beesha Caalamka shacabkii caasimadda oo naftooda u huray inay dalka ka saaraan guumeysigii layna soo xaluuliyay!

2006dii ciidammadii Itoobiyaanka markii ay soo galeen Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf oo Jawhar ka yimid markuu soo degay gigada diyaarradaha Baydhaba ee uu arkay taangiyadii Itoobiya buu Cali Max’ed Geeddi weyddiiyay “Oo kuwaana ma adigaa u soo fasaxay dalka?!” Cali Max’ed Geeddi “Mayee anigu adigaanba u qabay inaad soo fasaxday!”

Soo gelitaankii ciidammadaas Itoobiyaanka waxaa lagu hor joogsanaayay inay hano qaad noqoto dowladdii uu madax-weynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed ra’iisal wasaarahana Cali Max’ed Geeddi, waxaana jirtay oo cidina daah ka saarneyn in qaar ka mid ah dowladihii fadhiyay shirkii Mbagathi ee lagu dhisayay dowladdaas ay walaac weyn ka muujiyeen markii la doortay Cabdullaahi Yuusuf, isla mar ahaantaasna ay ka hor yimmaadeen, iyagoo ku eedeynaya inuu yahay askari Wadani ah oo aan wax ka bedeleyn siyaasaddii Soomaalidu caanka ku ahayd ee waddaninimmada iyo wadan jacaylka ku salaysneyd! Waxayna arrintaas ay garab uga heleen guddoomiyihii baarlamanka SHariif Xasan SHiikh Aadan oo aan isaga fahamsaneyn wax ka badan wixii ay u sheegayeen hooggaamiyeyaashii siyaasadda ee Muqdisho, waxaana lagu tilmaami karaa SHariif Xasan inuu ahaa Af-hayeenkii jideeyay ee loo dayday tayo dhaqammada laaluushka iyo tayo xummida golaha shacabka hareysay. Waxaa iyadana xusid mudan madax-weynihii hore ee Kenya oo ahayd dowladdii marti gelisay shirkaas, Danieil Arap Moi khudbad uu ka jeediyay American Defence University 2003dii uu si cad ugu sheegay inaysan marna yeeleyn inay Soomaaliya noqoto dowlad iskeed u madax bannaan oo xoog leh! iyadoo uu wali shirkii ka socdo dalkiisa…Waxaana la oran karaa taladaas iyada ah Burcadda huwan magaca Beesha Caalamka waa ay kula dhaqmeen dowladda iyo dadka Soomaaliyeed iyagoo waliba hadda u sii gogol xaaranaya inaysan weligood Soomaaliya ka bixin!…Waase Haddii ay Soomaaliya sidaas u gablantay!!

Waxyaabaha aan marna la sawiran karin waa habka siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee casrigan ay iyaga naftooda iyo dadkii Soomaaliyeed ugu duleeyeen nacabka duullaanka ku soo qaaday! Fara gelinta shisheeyaha intay siyaasaddii iyo siyaasiyiintii soo dhaaftay bay guryihii ugu tagtay dadkii shacabka ahaa, waxay gaartay iyadoo la leeyahay dowlad baad tihiin in haddana dhallin yaradii dalka ay dowladihii shisheeye askareystaan. Waxaa intaas ka daran in dalalka qaar ay xafiisyo qarsoodi ah oo sir-doon ay ka furteen gobollada dalka, waxaa iyadana meel ka dhac weyn ahayd in cadowgii ugu weynaa ee soo jireenka ahaa uu xafiisyo qunsulayadeed ka furtay dhammaan xarumaha maamul-goboleeddada dalka ka jira, isla markaasna uu sal-dhigyo ciidan ka sameystay gobollada qaarkood! Waxaa intaas oo dhan ka darnaa, oo ka yaab badnaa, xil-kasnimo yari iyo liidnimo ahayd in Xasan SHiikh Max’ud iyo Cabdi-Wali Gaas ay xilligii doorashadii 2016kii ay isku qabteen qaabka ay doorashada noqoneyso, oo markii lays mari waayay uu wasiirkii arrimaha dibadda Itoobiya ninka hadda madaxa ka ah Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee Qarammada Midoobay Tedros Adhanom Ghebreysus uu dammaanad qaad (Guarantor) u sameeyay Cabdi-Wali Cali Gaas, tani waxay caddeyn u ahayd in Buracadda Beesha Caalamka ay ku guuleysatay waliba tijaabisay qeyb muhiim ah oo ka mid ahaa qorshaheeda oo ah inay is aamin daro dhex dhigtay Siyaasiyiintii dalka iyo in Itoobiya laynoo tusay xoog aan dammaannad uga baahannahay!…wax kasta oo aan heer caalami dano ka yeelano waxay Burcadda Beesha Caalamka qasab ka dhigtay taladeeda inay wax ku yeeshaan Itoobiya iyo Kenya, sheekaduna waxay ilaa iyo maantadan ku socotay ama ku socotaa in labadaas dowladood sidii ilmo loo bajinayo ilmo kale arrimaha iyo wixii laynaga rabo inaan fulino laynoo soo maro iyaga siiba Itoobiya!….

Abiy Axmed, damaca nin baa geliyay, hasa yeeshee, waa wankii weynaa oo illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkayaan!

DHaqaankaas ku saleysan in si saykooloji ah siyaasiga iyo shacabka Soomaaliyeed duullaan xagga maskaxda iyo nafta ah lagu qaado, waxaa garab socday lacago laaluush ah oo siyaasiga Soomaaliyeed ee baahida iyo naf-jecleysiga u dheertahay tuhunka iyo cabsida uu ka qabo siyaasiyiinta kale ee talada dalka iyo dadka la wadaaga lagu oggoleysiinayo inuu u duleysnaado Burcadda Beesha Caalamka! Waxaana la oran karaa tallaabadaas inay taabbo gashay, dalkiina wuxuu yeeshay siyaasad aysan waxba xaaraan ka ahayn waxa ay burcaddaas xaaraantimeyso mooyee!…waxaa layna gaarsiiyay inaan rumeysano oo aan u hadalno sida shacabka ku nool kililka 5aad oo caruurtii iyo dhammaan jiilka cusub ay maanta rumeysanyihiin Itoobiya waa walaalaheen!….dugsiyadeena waxaa lagu bartaa taariikhdii Maumau-ga iyo guusha ay sheegato Itoobiya ee inay ku jebisay dagaalkii Adwa!… Waxaas oo dhan waxaa ka daran oo aysan dadka Soomaaliyeed badankood ku baraarugsaneyn in siyaasiyiin badan oo aan wax khibrrad shaqo ah lahayn ama aan waligood shisheeye la soo macaamilin ay hor boodeen macaamilkii Burcadda Beesha Caalamka, kuwaas oo aan waxba qiimeyn kareyn una qaatay in Burcadda Beesha Caalamka ay shaqadeedu tahay inay iyadu Soomaaliya badbaadiso….Badbaadiso?! Yaa?! Waxaa dadka Soomaaliyeed hor yaala inay dalkooda badbaadsadaan, waxaa dadka Soomaaliyeed hor yaala inay isu diyaariyaan xilliyo adag oo guumeysigu ka aqoon iyo xoog badanyahay guumeysigii hore ee lixdimaadkii qaaradda Afrika iska xoreysay!…Gunta iyo ujeeddada magaca Beesha Caalamka loo huwanyahay ma aha mid qarsoon, qofka Soomaaliga ah ma wuxuu u baahanyahay in loo macneeyo ujeeddada ka dambeysa dekadda iga gad?!… DHallin-Yarada Soomaaliyeed ma waxay u baahanyihiin in loo sheego dadkooda iyo dalkooda waxa duullaanka ku ah inay yihiin dhallin-yaro inay dadkooda dhaxalsiiyaan mustaqbal quruxsan iyo nolol ka wanaagsan midda ay maanta ku noolyihiin!…Waxaa ii muuqda rajo fiican, waxaan ku faraxsanahay in dhallin-yaradu ay wax badan ka fahamsanyihiin xaalladaha ku soo wajahan dalka iyo kaalinta ay ku leeyihiin!..Soomaaliya dulli ma qaadan mana qaadan doonto!…In shaa’a Allaah.