
Dagaal beeleed xooggan ayaa maanta ka qarxay miyiga degaanka Dhaal-maygaag oo ka tirsan Gobolka Togdheer.
Wararka ayaa sheegaya in muran dhuleed uu muddooyinkii danbe ka taagnaa miyigaas Dhaal-maygaag oo u dhexeeya degaanada Horyaal iyo Qorilugud.
Dhinacyada dagaallamaya ayaa ka soo kala jeeda labada maamul ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland.
Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ka qarxay dhulka ciidka ah halka dhinaca kalena uu weli taagan yahay dagaalkii Laascaanood.
PUNTLAND POST