Al-shabaab oo saaka dib u qabsaday degaanka Daaru-Nimca ee Gobolka Shabeellada dhexe

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa saaka dib u qabsaday degaanka Daaru-Nimca oo ka tirsan degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Maleeshiyaadka ayaa saaka weerar ba’an ku qaaday degaankaas Daaru-Nimca oo kamid ah degaannadii laga xoreeyay sannadkan gudihiisa.

Ciidamada degaanka iyo kuw dowladda ee ku sugnaa Daaru-Nimca ayaa markii hore iska caabiyay weerarka waxayse sida la xaqiijinayo ay waayeen gurmad ciidan.

Ciidamada dowladda iyo macawisleyda laga qabsaday Daaru-Nimco ayaa sida wararku sheegayaan u baxay dhinaca degaanka Al-Kawsar ee Gobolkaas.

Xogaha ayaa intaas ku daraya in kooxda Al-shabaab ay gebi ahaanba burburisay goobo muhiim ah oo ku yaalla degaanka Daaru-Nimca oo ay ku jiraan Masjidkii iyo Ceelkii degaanka.

PUNTLAND POST