Waxaa la yiri: Carruurtu ciyaar, ciyaar bay mulaca dabada uga gooyaan laakiin isaga waa u qurgooyo!

Ruqiyo Aw-Maxamed Faarax

Ficiltanka rag u dhexeeya, daan-daansiga, kooxaysiga, ciidammo beeleedyada iyo jifo-jifaynta shacabka reer Puntland, rag waxay ka tahay damac iyo isku dayis awoodo siyaasadeed laakiin shacabka reer Puntland waxay u tahay dib u dhac hor leh iyo damiir-xumo haddii ayba ka badbaadaan khataraha kale ee ka dhalan kara!

Waxa ay tahay in loo fiirsado lagana foojignaado waa ficillada ragga iyo kooxaha uu galo damaca inay hoggaamiye ka noqdaan Puntland ama ciddii horay awoodda siyaasadda u dhadhamisay una macaansatay!

Waa in hal-hayska shacabka reer Puntland, yar iyo weynba noqdo:

 ‘YAAN NA LOOGA DARIN’,

‘TARTANKA KUBBADDA DAMACA SIYAASADEED IYO DOONISTA AWOODEED DAAWADAYAAL UMA NIHIN’!

Waa in dib loo milicsado meeshii hayaanka laga soo qaaday iyo deegaannada Puntland siday ahaayeen burburkii Soomaaliya markuu dhacay. Ammaanka, xasilloonida iyo horumarka la haysto iyo hididiilada iyo hanka maanta ku jira shacabka reer Puntland waa wax lagu diirsado, laguna faano ayna tahay in la wada ilaashado oo lagu mintido.

Iyadoo waxaas oo dhammi jiraan, haddana waxaa hubaal ah in loo baahanyahay in habdhaqankii siyaasadeed ee Puntland lagu soo xukumayay laguna soo caano maalay oo habka qabiilka ku salaysnaa wax laga beddelo lagana gudbo. Soomaalida ayaa ku maahmaahda ‘Bartiis yaqaan, bari uma kororto’. Laakiin waa inaysan haddana xaaladdu noqon ‘Kud ka guur oo qanjo u guur’. Waa run in wax kasta oo horumar lagu gaarayo ay tahay in la isku dayo oo meel uun laga bilaabo iyada oo dhibaatooyin iyo caqabado adag lagala kulmi karo.

Waxaa dhab ah in shacabka reer Puntland maanta rabaan in qaabkii hore ee siyaasadda lagu soo waday 24 sano laga gudbo iyada oo waxa looga gudbayo loo dhanyahay, laga wada tashado, la isla garto, shacabka qaybihiisa kala duwanna laga qayb-galinayo. Wada shaqeyn, wacyi-gelin iyo waxbarashana fahamka iyo rabitaanku ku yimaaddo. Taasina waxay lagama maarmaan u tahay in doorashooyinka iyo habka looga qayb-qaadanayo lagu kalsoonaado, laguna aammin-qabo si taageero buuxda shacabka looga helo. Waxaa intaas oo dhan ugu horreysa hoggaanka siyaasadeed ee jira iyo hoggaanka dhaqanka oo shacabkooda u muujiya mas’uulnimo iyo hoggaamin xigmad iyo caqli ku fadhida. Waa u mideysnaanta waxa danta shacabkooda ay tahay inay ‘U ADEEGAAN’ ay ku jirto iyaga oo kala aragti duwanaan kara, dan shakhsina laga eegin. Waa wada hadal iyo wada xaajood dhexdooda ah oo joogteysan si ay tusaale ugu noqdaan midnimada iyo wada shaqaynta dadka ay hoggaanka u hayaan.  

 Sida aynnu wada ognahay, waxaa hadda la galay xilligii Puntland ay ka curan jirtay raadinta awood siyaasadeed, xukun doonis iyo ninkii madaxweyne ka noqon lahaa 5 sano oo soo socda!. Waa xilligii ay noqon jirtay ‘meel gurigayga iiga rooni ma jirto’ kaddib marka lagu soo hungoobo siyaasad Federaal, jago laga hayay soo dhammaato, markii isku day in wax laga helaba aan lagu hamiyi karin amaba dal iyo dibadba looga yimaaddo in Puntland wax laga noqdo.

Waxaa xaqiiq ah inaan ummadi hoggaan iyo kala dabayn la’aan jiri karin, horumarna gaari karin, ha ahaado mid hab dhaqan ku yimaadda ama mid hab siyaasadeed ku soo baxa.  

Laakiin su’aasha mudan in la is-weydiiyo waxaa weeye: Sidee baynnu ku heli karnaa isbeddelka keeni kara hormarka iyo waxqabadka dhinac kasta bulshada reer Puntland maanta u oomantahay? Jawaabta oo gaabani waxaa weeye: In sidii wax lagu soo waday 24-kii sano ee la soo dhaaafay cashar laga barto waxna laga beddelo! Waa nidaamka ku fadhiya xisaabta yar ee ardayda dugsiga hoose ka jawaabi karaan! Isbeddelka la rabaa waa inuu keeno waxqabad dhab ah, isla xisaabtan siyaasadeed iyo horumar ku wajahan xagga caafimaadka, waxbarashada, sii adkaynta ammaanka, shaqo u abuurista dhallinyarada, xoojinta, tayaynta iyo xirfadeynta hay’adaha dawliga ah iyo kan maamulka heer degmooyin iyo kan maamul goboleedba.

Filasofiyiin ayaa yiri “kuwii aan taariikhda wax ka baran, waxaa haysata nasiib-darro ah inay ku celiyaan wixii la rabay inay cashar ka bartaan”.

Haddaba, miyaysan shacabka reer Puntland weli dareemin in dalka iyo dadku hal shakhsi ama koox dan-wadaag ah ahayn? Miyaanse weli la dareemin in hogaamiyihii yimaaddaaba uu habdhaqanka, fikirka, wacyiga iyo garashada dadweynuhu heerka ay gaarsiisantahay ku shaqeeyo? Soomaali baa horey ugu maahmaahday “Geed walbaa mirahiisa buu dhalaa”. 

Sidoo kale, sidee isbeddel wax ku ool ahi ku imanayo haddii bulshadu mid qabiilka iyo qabyaaladda rabta tahay?, haddii caddaalad darro iyo hufnaan la’aanta siyaasadeed nolosha ka mid noqdeen?, haddii madaxweynaha, xildhibaannada, wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kaleba cid la xisaabtanta iyo nidaam lagula xisaabtamaaba jirin?

Waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkan in shacabka reer Puntland dareemaan gaar ahaan dhallinyaradu in awoodda xukun ee hadda lagu hardamayo iyo waxa ka soo bixi doonaa ay yihiin waxa saameyn waarta ku yeelan doona jiritaankooda, noloshooda iyo mustaqbalka ay yeelan doonaan sida uu noqon doono.

Qore: Ruqiyo Aw-Maxamed Faarax