Colaadda Laascaanood iyo Suuqa Siyaasadda ee Somaliland

Maxamuud  F. Aadan

Jaamacadda Banaadir

Hargeysa (Faallo ) — Somaliland waxay kaga duwan tahay maamullada kale ee Soomaaliyeed waa meesha uu suuqa siyaasaddu si rasmi ah uga hirgalay. Alex de Waal buuggiisa The Real Politics of the Horn of Africa: Money, War and the Business of Power wuxuu ku xusay in suuqa siyaasadda Somaliland billowday 1993kii markii Maxamed Ibraahim Cigaal Boorame loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland. Dagaal dhowr sano socday ayaa ku xigay doorashadiisa kaddib markii Madaxweynihii kowaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali uu sheegay in Somaliland ay ka noqotay goonni-isu-taag iyo inuu taageerayo hab federaal oo suurtagalin kara in hay’adaha siyaasadda Soomaaliya dib loo dhiso.

Suuqa siyaasaddu waa meel codad iyo taageero lagu kala iibsanayo. Somaliland inay 2007 Laascaanood qabsato waxaa u sahlay suuqa siyaasadda. Ciidan deegaanka ah oo uu  hoggaaminayay siyaasi deegaanka ayay Somaliland maalgelisay. Ciidankaaas beeleed waxaa ka awood-batay ciidan beeleed kale oo uu hoggaaminayay horjooge (horgale) kale oo Somaliland la shaqaynayay ilaa 2003.  Somaliland maamulkeedu marnaba Laascaanood kama hirgalin. Ciidanka deegaanku waxay ilaaliyayaaal u ahaayeen ciidanka Somaliland. Markii ciidanka deegaanka (caaglayaaal) ay Somaliland lacagta siin jirtay arkeen in Laascaanood dhexdeeda uu dagaal ka dhici karo ayay diideen inay magaca Somaliland iyagoo sita dagaal ka dhex aloosaan Laascaanood. Waxay ogaadeen in dhaawaca caaglayaasha aan la geyn doonin Hargeysa. Dagaal aysan filaynin ayaa Laascaanood ka qarxay oo ku qasbay ugu dambayntii inay ku soo biiraan xoogagga SSC-Khaatumo.

Burburka ugu weyn dhanka siyaasadda wxuu gaaray dadkii Hargeysa ku joogay inay Laascaaood metelaan. “Somailand marka ay Laascaanood joogto waxay ahayd Mahad Cambaashe iyo caaglayaashiisa. Sidaas darteed kuma hadli karno magaca Somaliland, mana taageeri karno siyaasadda Somaliland hadda” ayuu mid ka mid  horgalayaashu si cad ugu sheegay Muuse Biixi.

Suuqa siyaasaddu wuxuu ku salaysnaa in caaglayaasha Galbeedka Laascaanood joogay iyo kuwo iyaga ku sii hoos nool lacag lagu siiyo inay Laascaanood ku tilmaamaan meel argagixiso ku sugan tahay. Doodda Somaliland sida gaarka ah beesha caalamka ugu sheegto waxay ahayd in ciidankeedu hortaagaan yihiin xasiloonni-darro kooxo argagixiso ahi abuuri karaan. Been ka daba timid Hargeysa ayay dooddaasi noqotay. International Crisis Group ayaa xitaa doodda Somaliland ku tilmaantay mid ay been kaga sheegayso dadka Laascaanood.

Maamulka Somaliland waxaa hor tiil inuu kala doorto yaraynta awoodda caaglayaasha iyo taageerista dadkii magaca Khaatumo kula heshiiyay Somaliland 2017. Maamulka Somaliland oo og xiriirka fog oo uu caaglayaasha la lahaa iyo halista iman karta haddii uu yareero awoodda caaglayaasha Laascaanood ayaa doortay inuu heshiiskii marxuum Cali Khaliif Galayr la galay maamulka Somaliland laga dhigo mid aan shaqaynaynin. Somaliland way ku saxanayd mowqifkaas waayo caagle heshiis mushaar buu Somaliland kula jiray; ma ahayn sida maamulkii Khaatumo oo goosasho sharciyaynayay (isagoo og ama aan isogeyn). Somaliland waxay dan u aragtay in suuqa siyaasaddu sii socdo, waana go’aan siyaasadeed oo aad wax u taray dadka Laascaanood: go’aanku wuxuu muujiyay in mabda’a goosashadu uusan ka shaqaynin Sool, iyo in Somaliland isu dhalanrogi karin maamul ka madaxbannaan caaglayaal iyo suuq siyaasadeed waayo waa maamul diiddan qarannimada Soomaaliya.

Si kale marka loo eego Somaliland waxay la-hayste u ahayd caaglayaasha markii dambe ku soo jeestay. Laascaanood maanta ma aha magaalo ay caaglayaal awood ku leeyihiin. Kuwii 2007 iyo 2017 moodayay inay awood ku yeelan doonaan markay Somaliland la galeen heshiis suuq siyaasadeed ku qotoma waxay arkeen in siyaasadda Somaliland hoostagto dhuunta (qoriga ama jirka) caaglaha.

Buugga Adduun iyo Taladii, Rashiid Sheekh Cabdullahi wuxuu si qotodheer uga hadlayaa sida siyaasadda suuqa ku salaysani u saamaysay nabad ku wada noolaanshaha dadka. Dagaal qeyb ka mid ah Itoobiya ku dhexmaray beelo Soomaaliyeed waxaa laga hurinayay Hargeysa dhexdeeda, ayuu ku dooday Rashiid. Siyaasaddu waxay noqotay sida badeecad suuqa lagu kala iibsado. Ma jirto isla xisaabtan siyaasadeed dhab ah. Doorasho ayaa ah habka dimuqraadiyad loogu afgobaadsado.

Warbixintii University College London ay ka soo saartay doorashadii Madaxtooyada Somaliland  ee 2017 waxay ku iftiimisay in Somaliland ay aad ugu tiirsan tahay hab dhaqameed si ay u xalliso dhibaatooyin, welina ma yeelan hay’ado doorasho oo dadka oo dhan ka wakiil ah oo si buuxda u taageeri kara u gudbista qaran adag  (“…over-reliant on a customary system to solve problems, and with representative electoral institutions not yet fully capable of supporting the transition to a stronger nation-state.”. Warqad celmiyeedkii Dr Claire Elder ay 2021kii ku saartay International Affairs waxay ku gorfeysay sida keli-talis iyo lacag-talis (oligarchic corporate power) uga hirgaleen Somaliland una abuureen wax loo yaqaanno amniyeynta (securitisation) oo ah hab muranka siyaasadda loogu beddelo dhibaato amni sida marka Muuse Biixi la soo shirtagay in Khawaarij ay Laascaanood ku sugan yihiin. Somaliland waxay u baahan tahay hoggaamiyayaal maskaxdoodu shaqaynayso oo og in ay waxa ay maanta harsanayaan ay tahay qarannimada Soomaaliyeed ay hadda is diidsiinayaan. Qaladkaas oo kale hore wuu u dhacay, ciribtiisii waxay noqotay waxgarad wuu og yahay, doqonse loo sheegi mayo.

Maxamuud  F. Aadan, Jaamacadda Banaadir