Faratoon Waa Inuu Ugu Baaqo Somaliland Inay Ciidammadeeda La Baxdo

Cali I. Shire Yuusuf

Faratoon waa inuu ugu baaqo Somaliland inay ciidammadeeda la baxdo. Aamusnaan waxay la mid tahay ka raalli ahaasho.

Laascaanood (Ra’yi) — Markuu dhacay dagaalkii xerada Guulwadayaasha oo ay ku sugnaayeen wixii ka haray caaglayaashii Mahad Cambaashe, meel aan aad uga fogeyn goobtaan waxaa ku sugnaa Yaasniin Xaaji Maxamuud Xiir oo adeer u ah Mahad Cambaashe. Faratoon wuxuu ka mid ahaa dadkii isku dayay inay ku qanciyaan Mahad Cambaashe inuusan la safan Somaliland. Mahad wuu diiday. Wixii ka dhaxay xeradaas waa taariikh.

Dad goobta ku sugnaa ayaa Faratoon ka soo kexeeyey meeshii dagaalku ka qarxay oo keenay goob ay ku sugnaayeen Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Cabdirisaaq Khaliif. Sida uu sheegay nin uu ugu warramay Hargeysa “Goobtii la keenay waxaa meel u dhow soo duqeysay Somaliland oo waxaan codsaday in meeshii hore la ii celiyo”. Fararoon hadda dalka Biritayn ayuu ku soo noqday. Wuxuu sheegtaa inuu yahay Xildhibaan Laascaanood laga soo doortay laakiin weli kama hadlin duqeynta. Isaga ayaa ciidanka Somaliland keenay Yagoori 2003, haddana dhulka ay dadka ku laynayaan kuna qafaalanayaan waa dhulka beesha Jaamac Siyaad.

Faratoon ayaa caddeeyay in ciidanka Somaliland duqeeyeen Laascaanood, sida uu u sheegay nin saaxiibkiis ah oo Hargeysa lagu waraystay.

Aamusnaanta Faratoon uma rooba isaga iyo dadka uu ka soo jeedo. Waxaa habboon in Faratoon uu ugu baaqo Somaliland inay ciidankeeda la baxdo si looga badbaado dagaal lagu riiqdo oo aan danta Soomaaliyeed u roonayn, dhaqanka iyo diinta aannu wadaagnona meel ka dhac ku ah. Soomaaaliya waa dal mideysan siyaasad iyo dhul ahaan. Faratoon waa inuu mowqifkiisa caddeeyo waayo aamuusnaantu waa calaamadda ka raalli ahaashada.