Dagaalka Laas-Caanood waa ilaalinta dhaxalkii halgamayaashii Soomaaliyeed!

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

DHallin-yarada ha garato kaalinteeda hana gudato xilkeeda!

DHallin-yarrada Laas-Caanood waxay dib u soo nooleeyeen kaalintii lagu yaqiinay lagana sugayay dhalin-yarada Soomaaliyeed! Waxay bud-dhig u noqdeen inay jibiyaan gidaar weyn oo muddoo 32 sano ah uu ku taamayay gumeysiga doonayay inuu Soomaaliya ka dhigo waslado yar-yar oo aan itaal lahayn oo midba meesheeda lagu maamulo kheyraadkeedana sidaas lagu dhaco, walise waa talaabo kow ah oo curdan ah una baahan dhabar adeyg iyo halggan aan dhammaad lahayn oo loo diyaar garoobo! Waxaan marar badan xasuustaa hadalo uu ku celcelin jiray wakiilkii dowladda Ingiriiska u joogay shirkii Mbagathi ee dalka Kenya, ninkii lagu magacaabi jiray David Bell, oo marqaati cad u noqon lahaa in dowladda Ingiriiska ay wax weyn ka ogeyd qorshaha goosashada ah ee ay ku taameysay kuna dhawaaqday kooxda SNM ee uu u diyaarsaday inuu dowladeeyo si aan danihiisa gurucan loo hor joogsan.

David Bell, waxaa shaki la’aan ah inuu si buuxdo shirkaas Mbagathi uu wakiil uga ahaa waxa loogu yeero Somaliland. Mararka aan badneyn ee uu shirkaas soo hadal qaado waxyaabaha la xiriira dhibaatooyinka xagga nolosha ah ee Soomaaliya heysata iyadoo waliba erggadii Soomaalida ahayd ee ay maamuleysay gacantii dulmineysay ee kala qeybineysay oo ay xisaabtooduna ahayd in Somaliland ay tahay dal gaar ah ayaa haddana David Bell dheeri ka ahaa ergooyinka kale ee shisheeyaha shirkaas u jooga, oo xataa Kenya iyo Itoobiya oo iyagu ahaa labo dal oo dan bidaayay go’itaanka Somaliland sababo la xiriira inay xoog ku heystaan dhul iyo dad Soomaaliyeed, oo shaki ay ka qabeen Soomaalidii shirka fadhisay ayuu baro dheeraa oo wuxuu si aan qarsoodi lahayn oo waliba kibir ku jiro u muujinayay in Somaliland waxeeda loo gaar yeelo, mararna wuxuu ku kaftami jiray in waxa ay Somaliland leedahay isagu wakiil uga yahay!…

YOOBSAN

SNM, haddii uusan shacabku is indho tireyn dhibaatada ku dhacday gobolka Woqooyi Galbeed 1988-kii iyadaa dhigtay, sababtuna waxay ahayd guryihii iyo meelihii ay maxasta tiilay bay dagaalka la soo galeen oo gabbaad ka dhigteen. Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ciidammadii SNM soo galay askartii dowladda ee magaalooyinkaas joogtay waxay ka soo tooganayeen guryihii shacabku degganaa, taasi ulama jeedno inaan wixii halkaas ka dhacay aan leennahay dowladdii Kacaaanka ahayd denbi kuma lahayn, waxaanse cadeyneynaa in baaxaddii dhibaatadaas ay sabab u ahayd SNM. Marka la garab dhigo gobolladii Woqooyi Bari (inta hadda la yiraahdo Puntland) oo Kacaankii casaa ee Hanti Wadaagga la jidbeysnaa uu isaga si iskii ah ugu bareeray burburinta magaalooyinkii gobolkaas iyo noloshii dad-weynaha, waxayna ciidammada dowladdii kacaanka maalin kasta madaaficii ku garaacayeen Barkadahii laga cabayay, waxay xabaaleen Ceelashii, waxay gubeen tuulooyin dhan oo dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa ka qixiyeen, ilaa ay magaallada Muqdisho ka sameynsantay qeyb dhan oo loo baxshay Yoobsan kana tirsaneyd Ceel-Gaabta, maxaa yeelay dadkii tuulooyinkoodii laga soo gubay ama la burburiyay waxay ku soo yaaceen magaallada Muqdisho, waxayna kor saar ku noqdeen qaraabadooda, iyagoo faro maran oo ceyr ah, kaaga daranee wax ay magaallada kaga shaqeystaan aan aqoon, oo aan mehrad lahayn, taasi waxay keentay inay maalin kasta ay soo tuurtaan bartamaha magaallada, gaar ahaan agagaarkii dhismayaashii ka haray mehredihii ku dhowaa xaafaddii Isku-Raran ee Kacaankii uu dumiyay, halkaasoo markii dambe loo baxshay Yoobsan.

SNM, waxay marar badan ku celcelisaa in iyagoo dowlad ah ay Koonfurta ula yimaadeen dowladnimmada, balse waxaa ay xaqiiqadu tahay in fikradda iyo mabda’a ay SNM-tu qaadatay oo aysan dadka Soomaaliyeed badankii aysan ka dhaadhaceyn ay ahayd fikrad uu guumeystihii Ingiriisku uga tegay haraadigii iyo daba-dhilifyadii isaga u adeegayay taasoo uu kaga dhaadhiciyay inuu wax gaar ah u qabanayo. waxaana taas cadeyn u ah inta aan taariikh iyo laga sheekeyn halgankii loo soo galay gobollada Woqooyi ee dalka in fikradaha ay aaminsantahay SNM ay yihiin kuwo dabeecad ahaan tilmaamaya inay rumeysanyihiin in Ingiriisku uu yahay sokeeye marka laga soo tago in xiriir lala yeesho taasoo salka ku haysa ballan qaadyadii uu ka tegay  xilligii guumeysiga uu joogay gobolka, middaas oo aan ka turjumeyn fikirkii halgamayaashii Soomaaliyeed iyo odayaashii dhaqanka ee  gobollada Woqooyi kula dagaalamay guumeystaha ciiddooda ilaa ay gaareen heer ay yiraahdaan ilmo Ingiriis ah kuma dhaln karaan dhulkeenna ama ciidda Berbera!…sidaa daraadeed waxaa qasab noqotay in ilmaha Ingiriiska ah lagu dhaliyo markab dushiisa ama ay islaanta ku soo dhasho dalka Ingiriiska. Taasi waxay cadeyn u tahay in fikradda ay ka dhalatay Somaliland aysan ahayn middii ay qabeen qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee deegaannadaas ee rumeysnaa fikradihii gobonimo u dirirkii isla markaasna guumeystaha Ingiriiska ka xoreeyay gobollada Woqooyi .

Kacdoonka dhallin-yarrada Laas-Caanood, iyo kuwa cabursan ee qoriga caaraddiisa lagu hor joogo ee gobollada Woqooyi  Galbeed, Tog-DHeer  iyo Awdal waxay ka turjumeysaa bisayl ay guud ahaan gaareen shacabka Soomaaliyeed ee gobollada Woqooyi, iyo inay si buuxda oo aan kala har lahayn u garowsadeen in kala qeybinta ummadda Somaaliyeed ay tahay fikirad ay asal ahaan ka dambeeyaan guumeystayaashii markii  horaba kala qeybiyay ummadda isla markaasna  aysan ahayn mid ka imaan karta maskax qof mas’uul ah oo ay damqeyso in la kala dhantaalo  xoogga iyo midnimmada ummadda. Waxaa run ahaantii yididiilo wanaagsan ah in wali dhallin-yarada kaalinteedii hormuudnimo qaadato iyo inay ummadda samaha u hor kacdo, arrintaas ayaa saansaan wanaagsan ah oo inay hadda dib u soo noolaanayso aad moodaa!  Waxaan iyadana shaki ku jirin in kacdoonka dhallin-yarada Laas-Caanood wiilashooda iyo gabdhahoodaba uu muujinayo ifafaalo wanaagsan iyo in dareenka wadaninimo ee dhallintu wali noolyahay, iyadoo dhinaca kalana ay dhammaan dhallin-yarada gobollada kala duwan ee dalka ay muujiyeen inay si buuxdo u garab taaganyihiin kacdoonka Laas-Caanood si loo xaqiijiyo mid ahaanshaha dadka iyo dalka.

Sida dad badan rumeysanyihiin ama war-baahinta ay faafisay kacdoonka Laas-Caanood inuu bilowdo sabab uma aysan ahayn dadka ilaa 120-ka lagu sheegay ee shirqoollada la soo mareegay lagu dilay, wuxuuse ahaa kacdoon muddo dheer soo jiitamayay oo ay caburinayeen kooxda qawleysatada ah ee weligood daba socday fikirkii guumeystaha iyo kala qeybinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waxaana la rumeysanyahay in dilalka iyo shirqoollada  ujeeddada laga lahaa ay ahayd in dadka  horaadka ah ee shacabka ku hoggaamin kara midnimmada ummadda la laayo ama ay dalka ka cararaan iyo in la cabsi geliyo shacab-weynaha si ay uga haraan fikirka midnimmada dalka, waana arrin muddo soo socotay oo heerar kala duwan soo maraty, iyadoo aysan Muuse Biixi iyo  kooxdiisa marna fileyn inay jiraan shacab ku soo dhiiran kara, wuxuse waagu ku beryay  markii dhallin-yaradii Laas-Caanood ay ka kacdoontay bishii December 26, 2022, markii la dilay nin dhallin-yaro ahaa oo ku suntanaa inuu ka mid yahay dhallinta indhaha magaallada ah oo la oran jiray Cabdulfataax Cabdullaahi Cabdi  kuna magac-dheeraa  Hadraawi-Singub. Kacdoonkaas oo ay hor kacayeen dhallin-yarada Laas-Caanood oo ay ku jireen qaar aan wali qaan gaarin ayaa wuxuu jebiyay gidaarkii caburinta, iyo cabsi-gelinta shacabka ahaa ee tiirka u ahaa siyaasadda maamulkii kooxda SNM-ta ee magaallada ka jiray.

Wali caburinta noocaan ah ma dhammaan, waxay ka jirtaa guud ahaan gobolka Awdal oo qaar ka mid ah odayaashii dhaqanka ka carareen caga-jugleynta maamulka SNM-ta, waxay kaloo ka jirtaa deegaannada dhaca bariga sida; Ceerigaabo, iyo Ceel Af-weyn. Waxaa iyadana arrin xusid mudan ah in dad-weynaha gobollada Woqooyi  ay wax badan ka niyad jabeen  siyaasadda iyo dhaqanka dowladda Federal-ka Soomaaliya oo aan iyada waligeed arrinta u wajihin si dowladnimo iyadoo isla markaasna madaxda qaarkeed ay si sharci daro ah, oo meel  ka dhac ku ah dowladnimmada ay munaasabadaha qaarkood ugu  hambalyeynayeen dabao-dhilifyada guumeystaha ee ku haminayay inay dalka kala gooyaan.

Kacdoonkaas wuxuu bannaanka u soo saaray xaqiiqda wajiga waxa Somaliland loogu yeero ee uu maamulo Muuse Biixi Cabdi, waxaana isla markiiba shacabkii loogu jawaabay Xabbad ka dhaceysay noocyada kala duwan ee qoryaha,  mana jirin ilaa muddo 5/6 casho ah haba yaraatee cid muujisay inay ka xuntahay arrinkaas, taasi macnaheeda waxaa weeye cabsida laga qabay guumeystaha la ogyahay ama la tuhunsanyahay inuu gadaal ka riixayo Muuse Biixi iyo siyaasadda ah in la kala gooyo dalka Soomaaliya, waxaase taas ka duwanaa madax-weynaha dowladda Federal-ka Xasan SHiikh Max’ud oo malaha niyadda kala jiray kuwa dalka kala goynaya, oo isaga oo is moogeysiinaya dhibaatada shacabka reer Laas-Caano ku dhacday ayuu xafiiska Qarammada Midoobay ee xuququl-insaanka ee Soomaaliya iyo waxa loogu yeero Beesha Caalamka ay soo weydiiyeen waxa ay dowladdiisu uga aamusantahay xasuuqa lagu hayo shacabka Laas-Caanood! Waana sababtaas midda keentay in Xasan SHiikh iyo xubnaha kale ee dowlddiisa ay ka hor yimaadaan Xasuuqa Somaliland ee shacabkaas.

KHatarta Al-SHabaab waxaa inooga daran qofkii dalka kala goynaya!

Waxaa sidoo kale arrin muuqata ah ninka la doortay ee Xasan SHiikh Max’ud inaysan jirin culeys ay ku hayso maqnaanshaha gobollada Woqooyi ee dalka, sida laga fahmi karo saykolojigiisana wuxuu arrinta oo dhan u arkaa ama u aqrinayaa inay tahay duulaan lagu soo qaaday xulufadii uu ka tirsanaa, dowlad ahaan isaga iyo golaha wasiirrada kama hadlaan dagaallada sida joogtada ah maalin kasta uga socda Laas-Caanood, idaacadaha dowladda sooma hadal qaadaan, kaaga daranee, Xasan SHiikh, xataa ma dareemi karo waxa ay ka mudantahay taageerrada aan kala harka lahayn ee shacab-weeynaha Soomaaliyeed la garab istaageen Qadiyadda Laas-Caanood, waxaana  la moodaa inuusan garan muhimadda midnimmada dadka iyo dalka, iyo waajibka ka saran isaga ka madax-weyne ahaan. Waxaa iyagana ilaa lacag laaluusha ah la siiyo aan waxba dareemeyn oo aan ka hadli doonin nimanka sheeganaya inay xil-dhibaano u yihiin shacabka Soomaaliyeed!…

In Muuse Biixi Cabdi iyo koox yar oo la socota maanta looga baqo inay dalka kala gooyaan waxay ku tusaysaa tayada madaxda dalka, waxay ku tusaysaa sida loo wiiqay tayada shacabka dalka, waxay ku tusaysaa sida loogu guuleystay in dhallin-yarada laga tir-tiro maskaxdooda inay iyagu leeyihiin dalka oo dhaxalkoodii awoowe uu yahay. KHatarta kooxda Muuse Biixi, waxba kama duwana midda kooxda Al-SHabaab, labadaba waxay khatar ku yihin iney hana–qaado dowladnimmada, waxay dhantaalayaan midnimmadii iyo wada-jirkii ummadda, waxayna salka ku wada hayaan talo shisheeye oo looga dan leeyahay sidii kuwaas iyo wixii la mid ah loogu adeegsan lahaa dhagarta lala maagganyahay Soomaaliya… Waxaana la moodaa in Xasan SHiikh iyo xukuumaddiisa iyo golaha shacabka ay aad isugu dhabar jabinayaan la dagaallanka Al-SHabaab iyagoo dhinaca kalana la qaxweeynaya Muuse Biixi!….

Dadka Af-Soomaaliga ku hadla!!…Oyaa kun hadla Af-Soomaaliga?!

Dagaalka dacaayadda ah ee ay kala qeybinta dadka Soomaaliyeed u adeegsadeen guumeystuhu intuu dalka burburay ee ay hir geliyeen kooxda Muuse Biixi ee waliba dhaqan galay waxaa ugu khatarsanaa inay isku dayeen inay dadka Soomaaliyeed u ekeysiiyaan qoomiyado kala duduwan oo isu keen ah sida Itoobiya iyo Kenya, waxayna faafiyaan oraahda caanka oo ay waliba siyaasiyiintii dalka qaarkood isticmaaleen  ee ah “Dadka Af-Soomaaliga Ku Hadla” waxaase dhab ah Af-Soomaaliga inaysan cid kale ku hadlin oo uu yahay afka dadka Soomaaliyeed oo keliya qof kalana uusan ku hadlin. Waa la ogyahay in Soomaalida keliya ay Af-Soomaali ku hadasho, oo arrintaas ma aha mid lagu murunsanyahay, laakiin ujeeddada oraahdaas ka dambeysa ayaa ah in shacabka Djibouti aan loo aqoonsan inay yihiin Soomaali, in shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiyo Guumeysato aan loo aqoonsan inay yihiin Soomaali, iyo in shacabka ku nool gobolka ay Kenya xoogga ku haysato aan loo aqoonsan inay yihiin Soomaali, sidaas si la mid ahna aysan Somaliland ahayn Soomaali, laakiin dhammaantood ay Afka Soomaaliga ku hadlaan!… Soomaalida, waxaan waligeed muran gelin inay tahay dad hal isir ah, afkooda, midabkooda, sameyskooda, diintooda, iyo dhaqankooda uu isku mid yahay, waan middaas sababata ugu weyn ee guumeystuhu u raadinayo inuu wali Soomaaliya sii kala goo-gooyo!.

Dagaalkii bilowday bishan February 6, 2023, ayaa wali socda, waxaa jira tuhumo in Muuse Biixi ay  gacan siinayaan dalal shisheeye, waxaa kaloo si cad u muuqata in gobollada Awdal, iyo gobollada dhaca dhanka Bariga dhammaantood yihiin kuwo ay kooxda bur-cadda ah ee dalka iyo dadka kala goyneysa ay xoog ku heystaan. Waxaase shaki la’aan ah in dagaalka ilaallinta dhaxalka Halgamayaashii Soomaaliyeed ee ka bilowday Laas-Caanood uu gaari doono Boorame, Ceerigaabo! Hasa yeeshee, dhibaatada u weyn waxay ka taagantahay in wali uusan Muuse Biixi garowsan wax xanuun ahna aysan ku hayn dhallin-yarada Soomaaliyeed ee waliba wiil iyo abtigii ah,wiil iyo seeddigii ah, dad wada koray oo wanaag mooyee wax xummaan aysan dhex oolin, oo xooggii dadka iyo dalka ah ay isku dhimanayaan iyadoo aysan jirin wax dan ah oo laga faa’idayo marka laga reebo Cadowga iyo inta Nacabka u ah jiritaanka dadka iyo dalka Soomaaliyeed!…Muuse Biixi indhihiisu waa dhaafsanyihiin oo ma arkaan dhaawacyada tiro beelay ee daadsan isbitaallada Laas-Caano, Burco, iyo Hargeysa ee waliba aan lahayn dhaqaatiir iyo dawooyin wax ku ool ah!…Aaah!…Yeey dilayaan yaase dilaya?! Waxaa dhallin-yarda Soomaaliyeed iyagana la gudboon inaysan talo ka qaadan cidda iyaga isku jebineysa!…inaysan dhegaha u laalaadin cidda midnimada ummadda dhantaaleysa, inay ku dhiiradaan kuna qancaan oo ku faannaan inay yihiin Soomaali….Soomaali….Soomaali, illaashadaan gobanimmadii, midnimmadii, ay ka dhaxleen awoowayaashoodii u soo halgamay Gobanimmada ay maanta haystaan.