Mudaharaad ka dhan ah Somaliland oo ka dhacay degmada Ceel-afweyn

Shacabka degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ayaa maanta sameeyay mudaharaad ay uga soo horjeedaan Somaliland, kaddib markii ciidamada maamulkaas ay shalay galinkii dambe dileen qof rayid ah.

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa qaarkood wateen calanka buluuga ah ee Soomaaliya, iyagoo ku qalinayey in ay aysan doonayn ciidamada Somaliland ee deegaanka ku sugan.

Ciidamada Somaliland ayaa rasaas u adeegsaday mudaharaadayaasha, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaas.

Degmada Ceel-afweyn waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay dilal iyo dhaawacyo ay geysteen ciidamada Somaliland, iyadoo xukuumada Muuse Biixi Cabdi ay ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato arrintaas.

PUNTLAND POST