Ciidamada Somaliland oo xalay isaga baxay degaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag

Ciidamadii Somaliland ee fadhiyay duleedka degaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa xalay halkaas isaga guuray sida ay wararku xaqiijinayaan

Xogaha ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ee ka baxay Yubbe ay ku wajahan yihiin magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wararka ayaa tilmaamaya in Ciidamadan ay ku biirayaan kuwa fadhiya nawaaxiga Laascaanood oo lagu xoojinayo.

Dhaq dhaqaaqan ayaa ku soo beegmay xilli lagu wado in uu maalmaha soo socda Laascaanood ka furmo Shirka Aaya-ka-tashiga Beelaha SSC.

PUNTLAND POST