Ma Horumar baa Boosaaso Ka Socda Mise Hagrasho?

Madaxweyne Deni oo goobjoog u ahaa dhagax-dhigis ka dhacday garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Boosaaso (Ra’yi) — Magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso ayaa ah mid ay ka dheceen heshiisyo beddelay lahaanshaha dekedda kaddib markii maamul hore uu heshiis la galay shirkad laga leeyahay Imaaraadka. Hab siyaasadeedka Puntland ayaa sababay in ilaa hadda aan la ogeyn heshiiskaas qodobbadiisa waayo Madaxweyne Siciid Deni ayaa sanadkii hore sheegay inuu dib u eegis ku sameeyay heshiiska oo uu ku tilmaamay mid Punland aysan wax ka faa’iidin. Sida wax uu uga beddelay heshiiska ma cadda, waayo heshiisku weli mugdi ayuu ugu jiraa.

Heshiisyada aan daahfurnaanta lahayn uma loogi karaaan oo keliya kaabayaasha dhaqaalaha shirkado shisheeye, waxa ay caadeyn karaan heshiisyo sharci-darro ah oo lagu lunsado hanti dadweyne.

Dadka Puntland waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan faahfaahinta heshiisyada dowladda Puntland ku gasho kaabayaasha iyo dhulka Puntland. Sanadkii hore baarlamaanka Puntland wuxuu soo bandhigay sharcidarrada badda Puntland ay kaga kalluumaystaan maraakiib haysta shatiyo lagu bixiyay magaca Puntland. Ma jirto dowlad Puntland oo soo bandhigtay dakhliga ka soo xerooda maraakiibta haysata shatiyo kalluumeysi ay Puntland bixisay.

Boosaaso way u baahan tahay maalgelin, laakiin waa in maalgelintu noqoto mid ka duwan heshiiyadii hore oo weli aan la ogeyn qodobbada ay ku salaysan yihiin iyo sida loola xisaabtamayo dhinaca heshiiska lala galay.

Waxgaradka, isimada, siyaasiyiinta iyo dhammaan qaybaha bulshada waxay xaq u leeyihiin inay wax ka ogaadaan waxa ka socda magaalada Boosaaso iyo deegaannadda Gobalka Bari iyo Gardafuu. Isku milanka baarlamaanka iyo madaxtooyadu kuma waajibinayso dadka Puntland inay xog-moogeyaal ka sii ahaadaan heshiisyo iyo waxqabadyo noloshooda saamyn kara. Waa inay dowladda ka dalbadaan isla xisaabtan haddii xildhibbaannadu xaalkoodu u eg yahay af wax cunay xishoo.

W.Q. Siyaad Cali Jaamac