
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha culimada Soomaaliyeed.
Shirka oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa la sheegay in culimada Soomaaliyeed kaga hadli doonaan bayaaninta diinteena suuban ee Islaamka iyo la dagaallanka fikirka Al-shabaab.
Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in culimaa’udiinka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin shirka, ayna ka yimaadeen gudaha dalka iyo dibadiisa.
PUNTLAND POST