PSF oo ku biiray gulufka dagaal ee Al-shabaab looga saarayo Koonfurta Gobolka Mudug

Ciidanka PSF ee Puntland ayaa si rasmi ah ugu biiray gulufka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda koonfurta Gobolka Mudug.

Cutubyo ka tirsan ciidanka PSF oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa xalay gaaray degmada Hobyo ee Gobolkaas.

PSF ayaa xoojinaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ee loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab.

Ciidamadan wadajirka ah ayaa ku jihaysan degaannada koonfurta Gobolka Mudug ee ay weli ku harsan yihiin Al-shabaab si halkaas looga saaro.

PUNTLAND POST