Maxaad ka taqaan koobka adduunka?

Indhaha mucaashaqiinta kubbadda cagta adduunka ayaa ku sii jeeda Al Bayt Stadium magaalada Al-Khor ee dalka Qatar, halkaas oo goordhow ka dhici doonto xaflada furitaanka koobka adduunka 2022.

Tartanka koobka adduunka 2022 ayaa lagu furayaa xulka martigalinaya ee Qatar iyo xulka Ecuador oo ay ku wada jiraan guruub A.

Dalalka ka qaybgalaya

Waxaa ka qaybalaya 32 dal oo kala ah Qatar, Ecuador, Senegal, Netherlands, England, Iran, USA, Wales, Argentina, Saudi Arabia, Mexico, Poland, France, Australia, Denmark, Tunisia, Spain, Costa Rica, Germany, Japan, Belgium, Canada, Morocco, Croatia, Brazil, Serbia, Switzerland, Cameroon, Portugal, Ghana, Uruguay iyo South Korea. Waxayna ku kala jiraan 8 guruub.

Group A: Qatar, Ecuador, Senegal, Netherlands
Group B: England, Iran, USA, Wales
Group C: Argentina, Saudi Arabia, Mexico, Poland
Group D: France, Australia, Denmark, Tunisia
Group E: Spain, Costa Rica, Germany, Japan
Group F: Belgium, Canada, Morocco, Croatia
Group G: Brazil, Serbia, Switzerland, Cameroon
Group H: Portugal, Ghana, Uruguay, South Korea

Taariikhda koobka adduunka

Koobka Adduunka waa koob dahab ah kaas oo la guddoonsiiyo ku-guuleystayaashii tartanka kubbadda cagta. Waa mid ka mid ah koobabka ugu qaalisan taariikhda ciyaaraha, waxaana lagu qiimeeyaa $20 milyan. Wuxuu dhererkiisu yahay 36.5 sentimitir (14.4 inji), halka uu 75% ka sameysan yahay dahab.

Koobka adduunka ee maanta laga daahfurayo dalka Qatar waa kii 22-aad tan iyo markii ay cayaarahan bilowdeen sanadkii 1930-kii, waana cayaara kooxo rag ah oo ka kooban dalalka xubnaha ka ah xiriirka kubbadda cagta ee adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo FIFA.

Dhacdada koobka adduunka ayaa la qabtaa afartii sanaba mar tan iyo sanadkii 1930-kii, balse wuxuu hakad ku yimid sanadihii 1942 iyo 1946 markaa oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka. Tantankan waxaa difaacanaya xulka France oo ku guuleystay sanadkii 2018.

Dalalka martigaliyay

Uruguay -1930
Italy -1934
France – 1938
Brazil – 1950
Switzerland -1954
Sweden – 1958
Chile – 1962
England – 1966
Mexico -1970
West Germany -1974
Argentina -1978
Spain-1982
Mexico- 1986
Italy – 1990
USA -1994
France- 1998
South Korea iyo japan –-2002
Germany – 2006
South Africa – 2010
Brazil – 2014
Russia -2018
Qatar – martegeliyaasha sanadkan 2022.

Sida loogu kala guuleystay

1930: Uruguay
1934: Italy
1938: Italy
1950: Uruguay
1954: West Germany
1958: Brazil
1962: Brazil
1966: England
1970: Brazil
1974: West Germany
1978: Argentina
1982: Italy
1986: Argentina
1990: Germany
1994: Brazil
1998: France
2002: Brazil
2006: Italy
2010: Spain
2014: Germany
2018- France
2022……..


PUNTLAND POST