DASTUURKA PUNTLAND & NIDAAMKA XISBIYADA BADAN (1Q1C)

W.Q. Cali Xaaji Warsame

Siyaasi & Wasiir Hore

jowjowle@gmail.com

Garoowe (Ra’yi) — Waxaan u jeclaan lahaa Soomaali oo dhan, gaar ahaan reer Puntland inay si caqli iyo aqoon ku jirto iila darsaan dastuurka Puntland iyo nidaamka doorashada 1Q1C.

Qofkii waxgarad ah 1Q1C wuxuu ku doorsado ma jiraan, weliba hadduu siyaasadda Soomaaliya soo tijaabiyey oo xanuunkeeda arkey.

Waxaase muhiim ah in qofku garanayo sharciyadda hoggaamisa doorashada oo uu ugu horreeyo dastuurka iyo xeerka Ururada siyaasadda. Markaas qofku wuxuu si xor ah u ogaanayaa meesha loo socdo & sida lagu gaarayo meeshaas loo socdo.

Bal in yar maskaxdaada fur oo qoddobadaan si mowduuci ah u akhri:

1. Ogow Madaxweynaha Puntland & Ku-xigeenkiisa waxaa dooran kara oo kaliya Golaha Wakiiladda Puntland. Waa sida ku cad dastuurka Puntland(Qoddobka 56).

2. Ogow Golaha Wakiiladda PL inuu ahaanayo 66 qof illaa tirakoob sugan la sameynayo (Qoddobka 60), mana isla beddelayo nidaamka xisbiyada badan haddii la qaato. Dadka loogu sheekaynayo waxba ma haysataan oo xildhibaan waxaad ku helaysaan 1Q1C ogaada waa waraabe-u-taag.

3. Ogow in ay been tahay dadka aan hadda wasiiro/xildhibaano haysan inay barnaamijka 1C1Q ay wax ku helayaan inta lagu dhaqmayo liiska xiran (PR Closed List) oo lagu soo dooranayo golayaash degaanka PL oo ay 3 xisbi ku adkaan doonaan. Golayaasha Deegaanka liiska xiran ee doorashada waxaa inta badan ku soo baxaya reeraha degmada ugu badan oo kaliya maadaama urur kasta oo liiska hore ku taxayo xubno ka soo jeeda beesha u badan degaanka si uu codad badan u helo. (Xeerka Ururada Puntland). Eeg 3dii degmo natiijada ka soo baxdey.

4. Ogaada tirada gobbol ama degmo kasta ka helayso barlamaanka Puntland waxaa la heli karaa oo kaliya marka tirakoob sugan la sameeyo sida ku cad (Qoddobka 44). Inta ka horeysa Golaha Wakiiladda wuxuu ahaanayaa 66 qof kaliya.

5. Xataa haddii 3da xisbi mid aqlabiyad ku guuleysto sida 60%, haddana Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waa loo tartamayaa, wuxuuna la hortagaa 66kii xildhibaan, sidee musuqmaasuqii hore looga fakanayaa?

6. Si loo helo run ahaan doorasho 1Q1C oo xalaal ah goorma ayaa lagu noqonayaa Dastuurka Puntland oo wax laga beddelayaa si hanaan sax ah oo doorasho loo gaaro?

Bal arrimahaan ka talo bixiya.

Cali Xaaji Warsame
Siyaasi & Wasiir Hore
@alihwarsame
jowjowle@gmail.com