Ciidamada Galmudug oo hawgal qorshaysan ka fuliyay duleedka degmada Ceelbuur

Wararka ka imanaya degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Galmudug ay hawgal qorshaysan ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaas lagu dilay laba kamid ah horjoogayaasha Al-shabaab ee ku sugnaa deegaanka Baruujeed oo hoostaga Ceelbuur.

Guddoomiye Nuur Xasan Guutaale ayaa sidoo kale sheegay in hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay ka socdaan Gobolka Galgaduud islamarkaana dib ay ka faahfaahin doonaan.

PUNTLAND POST