Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga, waxaana loo riday 21 madfac.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan ku yeeshay qasriga xarunta madaxtooyada ee dalkaas, waxayna ka wadahadleen adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga ay labada dal wadaagaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka Turkiga gaaray 4 bishan July, wuxuuna markii ugu horreysa maanta la kulmay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

PUNTLAND POST