Macallin jaamacadeed oo lagu dilay Muqdisho

Koox hubaysan ayaa maanta degmada Dharkeenley ku dilay Cismaan Axmed Macow oo ahaa macallin wax ka dhiga jaamacadda Horseed ee magaalada Muqdisho.

Kooxda dilka geysatay ayaa marxuumka ka qaatay teleefoonkii iyo agab kale, waxayna ka baxadeeen goobta falku ka fhacay sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Marxuumka ayaa ahaa hormuudka kulliyadda dhaqaalaha iyo maamulka ee jaamacadda Horseed, sida lagu sheegay qoraal tacsi ah oo ka soo baxay jaamacadda.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa degmooyinka kala duwan ee Banaadir ku soo badanayay kooxo burcad iyo ciyaal weero ah oo dadka shacabka ah iyo xarumaha ganacsiga u gaysanayay dhac iyo dil.

Booliska Soomaaliyana wuxuu maanta ku dhawaaqay in bilaabayo howlgal ka dhan ah kooxahaas, kaddib shir looga hadlayay amniga Muqdisho oo guddoomiyay Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

PUNTLAND POST