Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee 2022

Labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay miisaaniyadda dowladda ee 2022, kadib dood adag oo qaadatay sadex maalmood.

204 mudane ayaa cod gacan taag ah ku ogolaaday miisaaniyadda, halka labo xildhibaan ay ka aamustay, waxaana diiday labo mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Aqalka Hoose (Golaha Shacabka) Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee 2022 ayaa dhan $918.7M, taas oo ay Golaha Wasiirada xil-gaarsiin ansixiyeen bishii hore ee Maajo.

PUNTLAND POST