Rag bucad-badeednimo ugu xirnaa Cumaan oo ka soo degay dekedda Boosaaso

Dekedda magaalada Boosaaso waxaa maanta ka soo degay 17 nin oo Soomaali ah oo muddo burcad-badeednimo ugu xirnaa dalka Cumaan.

Ragan oo dhalinyaro u badan ayaa Cumaan ku xirnaa muddo ka badan 12 sano, waxaana maxkamadda ku taalla dalkaas ku xukuntay xabsi daa’in sida ay sheegeen, kaddib markii lagu eedeeyay falal burcad-badeednimo.

17-kan nin waxaa lagu soo daayay dadaalo ay sameysay safaardda Soomaaliya ee Cumaan, waxaana weli dalkaas ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku eedeysan burcad-badeednimo.

PUNTLAND POST