Laascaanood: Magaalo metelaaddeedii la xaday

Siyaasad cakiran: ka billow bidix— Mahad Cambaashe, Garaad Jaamac, Garaad Saleebaan, Marxuum Xasan Daahir Afqudhac iyo Axmed Cabdi Xaabsade.

Laascaanood (Warbixin PP) — Tan iyo intii ay sii kordheen dilalka lagu beegsansayo dadka uga shaqeeya maamulka Somaliland magaalada Laascaanood waxaa sii batay shakiga qoysaska dadka la laayay qabaan oo ah “in Hargeysa ka dambeyso dilalka qorsheysan.”

Maamulka Sool ka jira wuxuu ku tiirsan yahay ciidan beeleed uu Mahad Cambaashe ku haysto Galbeedka Laascaanood — meel hadda loo yaqaanno Yagoori Cadhootay. Waa meel ay ciidan beeleedka iyo taageerayaashiiisu ku tilmaameen “aag dilal qorsheysan aysan ka dhicin”. Tani waxay muujinaysaa in Laascaanood si aan rasmi ahayn u yeelatay khad cagaaran.

Laga soo billaabo Oktoobar 2007 maamulka Somaliland wuxuu magaalada ku joogaa ciidan beeleed. Ciidan beeleedkii kowaad waxaa horboodayay Axmed Cabdi Xaabsade, Dhakool iyo Ina Ceydiid Dhadhable oo dhowr sano ka hor geeriyooday. Waxaa kooxdan meesha ka saaray ciidan beeleed uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe oo markii hore hoggaaminayay ciidan beeleed Yagoori ku sugnaa.

Mahad Cambaashe wuxuu ku qanciyay Hargeysa inay ciidan badan keenaan ilaa Tukaraq. Wuxuu tallaabadan u arkayay (1) mid uu kaga hortagi karo weerar Puntland ku soo qaadi karto Laascaanood iyo (2) mid uu ku kasbanayo kalsoonida Hargeysa. Intii dhaqdhaqaaqii Khaatumo jiray ayay siyaasadda difaac ee Mahad Cambaashe shaqaynaysay. Guushii ugu weyneyd wuxuu gaaray markuu u diiday Cali Khaliif Galaydh inuu Laascaanood dad kula shiro heshiiskii Khaatumo la gashay Hargeysa 2017kii kaddib.

Kala furfurankii Khaatumo wuxuu yareeyay kalsoonidii Mahad Cambaashe ka helay Hargeysa iyo halkudhiggii uu kooxdiisa ku abaabulan jirey — “Puntland oo reer Hebel dusha ku sidata ayaa weerar nagu soo ah”.

Hargeysa waxay guul ka gaartay heshiiskii Khaatumo waayo doorashadii madaxtooyada 2017kii iyo tii baarlamaanka ee 2021kii waxaa ka soo baxay natiijo karkaarka weydaarisay siyaasaddii nabadsugiddu seeska u ahayd (securitization) oo lagu xakameeyo mucaaradka Somaliland — kuwa doonaya inuu isbeddel siyaasadeed ka dhaco Hargeysa, iyo kuwa isu bahaystay maleeshiiyo beeleedka Mahad Cambaashe.

Xoogagga ka soo horjeeda Mahad Cambaashe waxay ku soo biireen maamulka Sool. “Haddii aadan ka adkaan karin ku biir” ayay u mareen kaalin ku yeelashada talada amni ee Sool, oo markii hore ku gaar ahayd maleeshiyada u hoyata Yagoori Cadhootay.

“Ma jirto sabab ay noogu eedeyn karaan inaannu ka soo horjeedno maamulka Sool. Doorasho ayaannu ka qeybgalnay, hase ahaatee weli ciidan beeleed baa magaalada dhinac ka deggan oo diiddan dib u habeyn amni” ayuu yiri siyaasi koonfurta Laascaanood ka soo jeeda.

Siyaasi Laascaanood ku sugnaa tan iyo 1995kii ayaa Puntland Post u sheegay sida uu u arko isbeddelladii Laascaanood ka dhacay tan iyo 2007. “Xaabsade ayaa xaday metelaadda Laascaanood markii uu ciidan beeleed Somaliland taageerayso ku qabsaday Laascaanood. Khaatumo ayaa metelaad federaal ku heshay 2012kii, laakiin Puntland baa 2016kii baabbi’isay metelaaddii Khaatumo markii sharciga doorashada heer federaal Puntland u soo celiyay xaqa metelaadda gobolka Sool. Somaliland waa aalad kooxaha Sool ku loollamaya adeegsadaan waayo Sool hub ka dhigis (demobilization) kama dhicin” ayuu siyaasigu yidhi.

Hub ka dhigis

Maamulka Hargeysa ee Muuse Biixi hoggaamiyo wuxuu qorsheynayay inuu dagaal ka rido xadka Sool iyo Nugaal si doorashada madaxtooyadu dib ugu dhacdo, sida hadalkii Jeneraal Taani laga dhadhansanayay markuu yidhi “50 kiiloomitir baannu u jirnaa Garoowe”.

Mahad Cambaashe wuxuu fursad dib u soo kabasho u arkayay muran dhuleedkii Saaxmeygaag. “Colaad halkaas ka dhacda waxay dadka ka sii jeedin lahayd dhibka maleeshiyada Ina Cambaashe ku hayaan Laascaanood waayo Iyaga ayaa loo adeegsaday barakicintii 2021 loogu geystay magaalada Digil iyo Mirifle” ayuu yidhi nin u ololeynaya hub ka dhigista ciidan beeleedka Galbeedka Laascaanood.

Dilalka qorsheysani waxay walaac ku abuureen dadka Laascaanood uga shaqeeya maamulka Hargeysa. Dad badan ayaa rumeysan in xoogag isbahaystay oo aan la ogeyn meesha ay taageerada ka helaan ay ka dambeeyaan dilalka qorsheysan. “Dadka dilalka qorsheysan fuliya waxay ururiyaan xog ka hor weerarka. Waxay beegsadaan dadka u shaqeeya maamulka Hargeysa laakiin u dhashay Laascaanood. Ma aha xoogag meel lagu weerari karo. Waxay xubno ku leeyihiin hay’adaha Laascaanood ka jira” ayuu ku dooday ganacsade Laascaanood ku sugan.

Maamulka Hargeysa ma wada taageeri karo kooxo beeleedyo heshiis siyaasadeed uusan dhex oollin waayo kuma qancin karo Mahad Cambaashe inuu oggolaado dib u habeyn amni yarayn karta saameeyntiisa qabqablenimo. Ma jiro hab kale oo maamulka Biixi uga diga-rogan karo ku tiirsanaanta ciidan beeleed qaadan la’ in maalmihii qabqableyntu soo gabagaboobayaan.

© Puntland Post, 2022