Golaha Wasiirada Jubaland oo degmooyin u ansixiyay Buurdhuubo iyo Dhoobley

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubbaland oo todobaadkan markiisii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Dhoobley.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan golaha wasiiradda iyo sidoo kale guddoomiyaha degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan.

Ugu horeyntii Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo gunaanadkii doorashooyinka qabsoomay, golaha ayuu u sheegay in loo baahan yahay in la dardargaliyo howlaha hortebinta u leh dowladda oo ay ugu horeeyaan bixinta adeegyada bulshada, taakuleynta dadka ay abuuruhu saameeyeen iyo qodobo kale.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal ayaa golaha uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee amniga, iyadoo dhiirigalin iyo bogaadin loo soo jeediyey ciidamada kale duwan ee Jubaland iyo kuwa ciidamada Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanada dhaca galbeedka Kismaayo.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa soo jeediyey qiimeynta degmooyin cusub iyo ansixinta labo degmo oo kala ah Buurdhuubo iyo Dhoobley kuwaas oo guddi wasiirro ah ay wadeen maalmihii lasoo dhaafay qiimeynta iyo naqshadeynta degmooyinkaas.

Golaha ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey in magaalooyinka Dhoobley iyo Buurdhuubo ay si buuxda u noqdaan degmooyin ka tirsan Jubaland.

Ugu dambeeyntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Jubaland mudane Xuseen Xirsi Axmed ayaa golaha horkeenay wajiga labaad ee xeerka dhaqan galinta miisaaniyadda lixda bilood ee soo socota sanadkan 2022, iyadoo kharashka miisaaniyadda lixda bilood ee soo socota ay gaareyso US$ 42,322,030.94.


PUNTLAND POST