Ciidamo gadoodsan oo qabsaday kastamka Buurtinle

Ciidamo ka tirsan Puntland oo gadoodsan ayaa maanta qabsaday kastamka degamada Buurtinle ee gobolka Nugaal, waxayna xanibeen isu socodka gaadiidka.

Gaadiid farabadan oo kuwo xamuulka ah oo ka yimid magaalada dekedda leh ee Boosaaso ayaa ku xaniban kastamka degamada Buurtinle. Ciidamadan ayaa sidaan oo kale shalay xirtay wadada isku xirta degmada Xarfo iyo magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan aaga lagu magacaabo Laanta-dusmada.

Warar is-khilaafsan ayaa ka soo baxaya gadoodka ciidamadaas, warar ayaa sheegaya in ay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, halka warar kale tilmaamayaan in ay ka gadoodsan yihiin dhacdadii Gaalkacyo ee uu ku dhaawacmay Nabadoon Yaasiin Cabdisamed.

Dowladda Puntland ayaa weli ka hadlin qabsashada kastamka Buurtinle oo ka mid ahaa ilaha dhaqaalaha dowladda.

PUNTLAND POST