Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kulan yeeshay

Madaxweynaha dowadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, kulanka labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraadka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Dhankiisa Madaxweyne Maxamed Bin Saayid ayaa soo bandhigay dib u soo celinta taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee dowladda Imaaraadku ay ka fulin jirtay Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in dowladiisu ay doorka ka qaadanayso gurmadka abaaraha.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xumaa sanadihii la soo dhaafay, kaddib markii uu saameeyay khilaafkii Khaliijka.

PUNTLAND POST