Puntland oo dil ku xukuntay rag lagu helay Shabaabnimo

Maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta mar kale la hor-keenay shabakad ku eedaysan Shabaabnimo.

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa maxkamadda ka hor akhriyay gal-dacwadeedka laga diyaariyay eedaysanayaasha iyo caddaymaha loo hayo kiiskooda.

Maxkamadda ayaa sidoo kale dhegaysatay jawaabta qareennada difaacaya eedaysanayaasha iyo doodda ay ka celinayaan gal-dacwadeedka xeer ilaalintu soo gudbisay.

Maxkamadda ayaa ugu danbayn dil toogasho ah ku xukuntay raggaas oo magacyadoodu kala yihiin:

Jaamac Aaden Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaavi Salaad Boos, Maxamud Abshir Muuse iyo Cabdiraxmaan Ciise Axmed Laahoor oo maqane ah.

PUNTLAND POST