Soomaaliya oo markii ugu horreysay ay Haweeney ka noqotay kusime Madaxweyne

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa noqotay kusimaha madaxweynaha, kadib markii ay dalka dibadiisa safaro kala duwan ugu baxeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Aadan Madoobe.

Xildhibaan Sacdiyo ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay taariikhda oo Soomaaliya ka noqota kusime Madaxweyne. Sidoo kale waa haweeneydii ugu horreysay oo ka mid noqota guddoonka baarlamaanka.

Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraya, haddii ay dalka ka wada baxaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka uu xilalkooda siihaynayo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta safar ugu baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, halka guddoomiye Aadan Madoobe uu shalay u baxay dalka Kenya.

PUNTLAND POST