Bangiga Adduunka oo taageero u ballan-qaaday dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson, waxayna ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia, Kristina Svensson ayaa tilmaantay in Bangiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ku taageerayo 100 malyan oo doolar 12-ka bilood ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo bandhigay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u siineyso kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinyarada, waxa uuna Bangiga Adduunka ugu baaqay in kala shaqeynayo dowladda casriyeynta hannaanka shaqada iyo adeegyada dowladda federaalka.

PUNTLAND POST