Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Wakiillada Beesha Caalamka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay ka wadahadleen xoojinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan ka codsaday beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu uga warbixiyey Wakiillada Beesha Caalamka muhiimadda safarkii uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka.

Dhankooda Wakiillada Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyey qabsoomidda shirkii Wadatashiga Qaran ee dhawaan ku soo gaba-gaboobay Muqdisho iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay ee la xiriiray dowlad dhiska iyo horumarka dalka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay kordhinayaan taageerada ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin, gaar ahaan ammaanka, arrimaha binu aadannimada, dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada, sida lagu war-saxaafadeedka Villa Somalia.

PUNTLAND POST