Tarsan oo ka baxay kulan Kenya su’aal ku gelisay qarannimada Soomaaliya

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta ka baxay kulan uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta isugu yeeray safiirada caalamka ee fadhigoodu yahay Nayeoobi.

Tarsan ayaa shirka ka baxay markii uu arkay calanka Soomaaliya iyo kan maamulka Somaliland oo isbarbar-yaalla iyo xubno ka socda Somaliland oo ku sugan kulanka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Safiir Tarsan diiday inuu goobjoog ka ahaado kulan lagu martiqaaday wakiil ka socda gobol Soomaaliyeed oo diiddan qarannimada Soomaaliya.

Dowladda Kenya oo og xilka ka saaran dhowtista qarannimada dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa shirka ku martiqaadday wakiilka maamulka Somaliland u fadhiya Nayroobi, Maxamed Barawaani.

Wasaaradda Arrimmaha Dibedda Soomaaliya weli kama falcelinin kulanka uu Tarsan ka qeybgalkiisa ka biyo-diiday.

PUNTLAND POST