Muuse Biixi oo la kulmay ergada shirka Warsangeli ee Ceerigaabo

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay kulan la qaatay ergada shirka beesha Warsangeli ee Ceerigaabo.

Ergada waxaa hoggaaminayay Suldaanka guud ee beesha Warsangelin Suldaan Siciid Cabdisalaan, waxaana hadalo u jeediyay qaar kamid ah madaxda Somaliland.

Kulanka waxaa madaxweyne Muuse Muuse Biixi ku wehelinayay guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka Somaliland iyo wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa.

Kulamada Madaxweynaha Somaliland iyo ergada shirka beesha Warsangeli ayaa sii socon doona maalmaha soo socda.

PUNTLAND POST