Danjiraha Mareykanka iyo Wasiir Beyle oo ka wadahadlay dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda xil-gaarsiin ee Federaalka Soomaaliya Cabdiraxaan Ducaalle Beyle iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa ka wadahadlay dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebooku ku yiri “Waxa aan maanta magaalada Muqdisho kulan wax ku ool ah kula yeeshay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Larry André.”

“Waxa aan ka wadahadalnay halka uu marayo dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa guulaha la gaaray ilaa hadda si ay uga faa’iideystaan ​​dadka Soomaaliyeed. Maraykanku waxa uu si weyn u taageeraa dib-u-habaynta dhaqaalaha, waananu uga mahadcelinaynaa” ayuu ku daray.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya markasta ka go’an tahay horumarinta hanaanka Maaliyadda dalka iyo sii xoojinta guulaha laga gaaray isbedellada dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadda.

PUNTLAND POST