Mahad Salaad oo magacaabay Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir

Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa Taliyaha gobolka Banaadir ee hay’addaas u magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor.

Muxyadiin Warbac Shadoor ayaa muddo dheer ka tirsanaa hay’adda NISA, wuxuuna baddelayaa Yaasiin Farey oo xilkaas horay u hayay, haddana ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad oo khamiistii golaha wasiiradda Soomaaliya ansixiyeen ayaa shalay xilka kala wareegay Yaasiin Farey oo si KMG ah u hayay.

PUNTLAND POST