Xasan Sheekh oo la kulmay mas’uulkii ugu sarreeyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara Soomaaliya burburkii kaddib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber oo ay wehlineysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa ka wadahadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaaliya. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in la sii amba-qaadi doono,lana horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalkeenna.

Danjire Annette Weber ayaa ah mas’uulkii ugu sarreyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara Soomaaliya tan iyo burburkii kaddib.

PUNTLAND POST