Natiijadda wareegga koowaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Waxaa goordhow soo idlaaday wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya. Waxaana cododka ugu badan helay Siciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Khayre.

Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa murashaxiinta codadka ugu badan helay u kala heleen sida soo socota.

1. Siciid Cabdullaahi Deni, 65 cod
2. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 59 cod
3. Xasan Sheekh Maxamuud, 52 cod
4. Xasan Cali Khayre, 47 cod
5. Sheekh Shariif Sheekh Xasan, 39 cod
6. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, 15 cod
7. Caddow Cali Gees, 8 cod
8. Cabdiqaadir Cali Cosoble, 12 cod

Waxaa xusid mudan in ay wareegga koowaad xumaadeen dhowr iyo toban cod.

Waxaa wareegga labaad u gudbaya afarta musharax ee ugu codadka badan, haddii aysan jirin musharaxiin tanaasula.

PUNTLAND POST