Deni iyo Dhooba-daareed oo kulmay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhooba-daareed.

Faahfaahin rasmi ah lagama hayo kulanka, hase ahaatee Madaxweyne Deni ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku sheegay in Dhooba-daareed booqasho ugu yimid, ayna ka wadahadleen xaaladda guud ee dalka.

“Waxaa caawa booqasho noogu yimi Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhooba-daareed, waxaan iska wareysanay guud ahaan xaaladda dalka. waxaan uga mahadcelinaya kulanka iyo wakhtiga aan wada qaadanay” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhooba-daareed ayaa tan iyo markii laga qaaday xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntlnd wuxuu aad u dhaliili jiray Madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta ka agdhow oo uu ku eedeyn jiray in ay ka dambeeyeen xilka qaadistiisa.

7-dii November 2019 ayaa Cabdikariim Dhooba-daareed laga qaaday xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, sidoo kale xasaannadii xildhibaanimo ayaa laga xayuubiyay 10-kii December 2019.

PUNTLAND POST